Toorno: “Jaamacadaha Dawladu waa in ay Carruurta Ciidamada waxbarasho lacag La’aan siiyaan”

Hargeysa, (Aftahannews)-Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in guddi ka soo tallo bixisa ay u saareen, sidii jaamacadaha dowliga ah ay waxbarasho bilaasha u siin lahaayeen  ardayda ay dhaleen ciidamada Qaranku iyo shaqaalaha dowladu.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in sidoo kale guddidaasi loo xilsaaray jaamacadaha dowliga ahi ay la yimaadaan qorshe ka jaban ka jaamacadaha gaarka loo leeyahay.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), waxaa uu sidan ka sheegay, kadib markii shalay ay isaga iyo saraakiil ka tirsan wasaaraddaasi hortageen guddi hoosaadka ilaalinta hantida Qaranka  ee golaha wakiiladda Somaliland.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiillada xildhibaan Siciid Maxamed Siraadle oo markii kulankaasi soo dhamaada warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankaasi salka ku hayay baadhidii xisaab-xidhkii dawlada, taas oo uu guddida u soo gudbiyay hanti dhawraha guud ee qaranka.

Xildhibaan Siciid Maxamed Siraadle waxa kale oo uu sheegay in masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada ay wax ka waydiiyeen lacagaha Jaamacadaha wasaaradda hoos yimaadaa ay ka qaadaan ardayda, taas oo guddidu sheegtay in loo baahan yahay in wax laga bedelo, inta ka horaysa xiliga Jaamacaddahaasi qaadanayaan arrdayda cusub, Xildhibaan Siciid Maxamed wuxuu intaas ku daray in wasaaradda ay isla qaateen in arrintaas loo saaro guddi laba dhinac ah oo soo darsa. “Labada qodob waxaa ay kala yihiin, midi waxaa weeye jaamacadaha ku jira dhismayaasha dowlda, , Jaamacada Hargeysa, Jaamacada Camuud, Jaamacada Nugaal, Jaamacada Burco, Jaamacada Ceerigaabo ee Sanaag, Jaamacada Maakhir, ee ku jira dhismayaasha dowlada oo ku jira dhismayaal balbalaadhan, oo  aanu ka guddi ahaan iyo gole ahaanba aragnay inay u shaqeeyaan sida kuwa gaarka loo leeyahay, aananu weynay wax ka soo gala bulshada iyo Qaranka, inay isku qiima noqdaan guddidayada waa ay  u cuntami weyday”

“Jaamacadaha ku jira dhismayaasha dowladda miisaaniyada dowladana ama ha yaraato ama ha badnaate waxba ugu jira maxay dhismayaashaasi kaga duwan yihiin kuwa gaarka loo leeyahay ee dhismayaasha dhistay ama kireystay ee aan miisaaniyada ku jirin”Ayuu yidhi gudoomiyaha guddi hoosaadka golaha wakiilada ee ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka mudane Siciid Maxamed Cilmi Siraadle.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), waxaa uu sidan ka sheegay, kadib markii shalay ay isaga iyo saraakiil ka tirsan wasaaraddaasi hortageen guddi hoosaadka ilaalinta hantida Qaranka  ee golaha wakiiladda Somaliland. “Laba waa in ay mid uun kaga duwanaadaan oo ama waa in ay ardayda danyarta ah iyo carruurta ciidamada iyo shaqaalaha dowlada ay waxbarashada lacag la’aan ku siiyaan ama waa in ay ka jabnaadaan boqolkiiba konton jaamacadaha kale ee waddanka, guddi wada jira ayaa loo sameynayaa horena waa aanu u wada hadalay jaamacadahaasiye waa in ay la yimaadaan qorshe ah maxaad kaga duwan tahay kuwa gaarka loo leeyahay”