Bayer Munich oo Albaabbada u furtay inuu bixi Karo Xiddigooda Alcantra

Maamulka sare ee kooxda kubadda cagta waddanka Jarmalka ee Bayer Munich ay goor dambe si rasmi ah shaaca uga qaadeen in ay albaabada u fureen kooxda uu doonana ku biiri karo marka uu dhammado xilli ciyaareedkani xiddigooda khadka dhexe ee xulka qaranka Spain Thaigo AlCantara oo ay sannadka soo socda u dhammaanayso muddo shan sano ah oo uu ku qaatay kooxda Bavaria.

Thiago Alcantara oo Spanish ah balse asalkiisu ka soo jeedo waddanka Brazil waxa uu kooxda Bayer Munich ku soo biiray sannadki 2015 waxaanu wakhtigaasi kooxda ka dhisan Alians Arena la qaatay wakhti ama tijaabo ciyaareed oo lagu sheegay in ay ahayd mid guulaysatay waxaanu xiddigani doonayaa in uu kooxda isaga tago dhammaadka xilli ciyaareedkan inkasta oo heshiiskiisu ku ekaa sannadka 2021 haddana waxa ay kooxdiisu siisay khadka cagaaran.

Guddoomiyaha kooxda kubadda cagta Bayer Munich Karl-Heinz Rummenigge oo la hadlayay wargeyska caanka ah ee ciyaaraha ka faallooda ee BELD waxa uu yidhi: “Waxaan idiin xaqiijin karaa dhab ahaanshaha warkaasi oo muddoba la hadal hayay. Waa sidaasi loo hadal hayo. Wali wax wada hadallo ahi noomay furmin kooxda Liverpool balse haddii ciyaartoygani doonayo in uu ku biiro kooxdaasi wax u diidayaa ma jiro waanu u wareegi karaa waxaanan arrintaa kala hadli doonaa kooxda Liverpool”.

Dhinaca kale waxa in muddo ahba la hadal hayay in macallinka reer Jarmal ee maamulka kooxda Liverpool Jurgen Klopp uu xiiso badan u qabay xiddigan maskaxda furan ee khadka dhexe ku wanaagsan, kaasi oo wakhtigiisa intii ugu wanaagsanayd ku soo qaatay kooxaha Barcelona iyo Bayer Munich balse ay kooxda Liverpool aaminsan tahay in uu wax badan ku soo kordhin karo khadkeeda dhexe.

Guddoomiye Karl-Heinz Rummenigge waxa uu sheegay in doonista laacibkani tahay mid u janjeedha in uu kooxda ka baxo. Taasina ay u suurto galin doonaan oo aanay waxba ka qabin go’aankiisa uu ku doonayo in uu kaga tago kooxdiisa Bayer Munich.

“Ma Doonayno in uu heshiis furan oo xor ah ku baxo xilli ciyaareedka dambe 2021 marka uu dhammaado balse waxaanu doonaynaa in aanu ka faa’iidaysano halka sano ee heshiiskiisa uga dhiman oo aanu ku rabno lacago wanaagsan. Haa, tani waa siyaasaddayada dhaqaale idinkamana qarin karo” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyaha kooxda Bayer Munich Karl-Heinz Rummenigge.