Qodobbada War-murtiyeed laga Soo Saaray Shir dhex-maray Madaxda Maamul-goboleedyada Soomaaliya

Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Federaalka Soomaaliya 2020.jpg
Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Federaalka Soomaaliya 2020.jpg

Somalia(aftahannews):- War-murtiyeed, ayaa laga soo saaray Shir Isniinta maanta Khadka Internet-ka ku dhexmaray Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo lagaga wadahadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya oo laga baqayo inay wakhtigeeda daba-marto.

Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Federaalka Soomaaliya 2020.jpg
Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Federaalka Soomaaliya 2020.jpg

Shirkan khadka internet-ka ku dhex-maray Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Soomaaliya ee Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur-galbeed iyo Hirshabeelle, qodobbada laga soo saaray waxaa ka mid ah inay Madaxdu yeeshaan shir degdeg ah oo lagaga arrinsanayo arrimaha doorashada, shirkaas oo ka dhicidoona magaalada Dhuusamareeb markay taariikhdu tahay 9 July.

Sida War-murtiyeedka ay Madaxdani soo saareen lagu sheegay, Shirka Dhuusamareeb waxay kaga tashandoonaan sidii dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah u yeelan lahaayeen shir degdeg ah waqtiyada soo socda.

Halkaan hoose ka akhriso.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.