Itoobiya Oo Faa’iido Dhaqaale Ka Abuurtay Xiisadda U Dhaxaysa Xukuumadda Somaliland &  Puntland

Hargeysa,  (Aftahannews)-Xiisadda ka dhex aloosan Somaliland iyo Puntland ee ku saleysan gacan ku haynta deegaanadda, ayaa waxa si weyn uga faa’iideysatay dowladda Itoobiya, gaar ahaan dowlad deegaanka Soomaalida.

Itoobiya ayaa faa’iido dhaqaale oo buuran ka samaysay xiisada labada dhinac, iyadoo si toos ah cashuuraha uga qaadata deegaanka Buuhoodle oo ay si weyn ugu muransan-yihiin labadda xukuumadda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.

Dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ciidamadaasi geeyay Buuhoodle, kuwaasi oo ka samaystay bar kantarool oo ay ku baadhan gawaadhida soo galaysa ama ka soo baxaysa deegaankaasi, iyagoo ka qaadaya cashuur.

Mid ka mid ah darawaliinta wadadaa mara oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dhibaato ba’an ku hayaan ciidamadaasi oo si toos ah uga amar qaata dowlada Itoobiya.

Ciidamadaasi oo ay ku jiraan Liyuu booliska ayaa cashuur qasab ah ka qaada gaadiidka ka soo baxaya deegaankaasi, iyadoo mararka qaarna ay kala kulmaan hanjabaad iyo jidh dil.

Buuhoodle ayaa inta badan waxa gacan ku haysaa Somaliland.

Mid ka mid ah darawaaladda oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Buuhoodle waxay noqotay deegaan ka tirsan Itoobiya, gaar ahaan ka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalkaasi, waxaana gacanta ku haya oo cashuuro qasab ah naga qaada ciidamo ay kantarool uga sameysay duleedka deegaankaasi” ayuu yidhi Darawalkaasi.

Xukuumadda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ayaan labaddoodubba ka hadla dhacdadan ku cusub deegaanka ee dawlad deegaanku barkantarool uga dhigtay deegaanadoodda.Xigasho Warsugan