Oromada oo Muddaharaadyo Itoobiya Gilgilay ka wada Addis Ababa iyo Meelo kale Dilkii Fannaanka ka dib

MUDDAHARAADYO OROMADU KA BILAABEEN ITOOBIYA 2020
MUDDAHARAADYO OROMADU KA BILAABEEN ITOOBIYA 2020

Addis Ababa(aftahannews):- Kumannaan Dadweyne ah oo Qowmiyadda Oromada ka soo jeeda, isla markaana si weyn uga cadhaysan dilka Fannaan caan ahaa, ayaa muddaharaadyo rabshada wata ka bilaabay maanta caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa, kaa oo cadhadooda ay ku muujinayaan Qowmiyadda uu kasoo jeedo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ee Oromada.

MUDDAHARAADYO OROMADU KA BILAABEEN ITOOBIYA 2020
MUDDAHARAADYO OROMADU KA BILAABEEN ITOOBIYA 2020

Madaxa booliska Addis Ababa Getu Argaw ayaa Isniintii warbaahinta dowladda u sheegay in Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa fanaan Oromo ah kuna caan-baxay heeso mucaarad ah la toogtay 9:30 pm. Waxaa la xidhay dad lagu tuhmayo dilka, sida uu sheegay.

Saaka ayaa waddooyinka Addis Ababa ee caadiyan mashquulka badan waxay ahaayeen kuwa maran, ayada oo dibad-baxayaasha ay gubeen taayiro ayna ku qeylinayeen erayo kala duwan.

Waxaa sidoo kale la jaray internet-ka Ethiopia, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, taasi oo ah wax mar walba dhaca marka ay socdaan dibad-baxyada siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa farriin uu soo dhigay twitter-ka uga tacsiyeeyey dilka, wuxuuna ballan-qaaday baadhitaan isaga oo shacabkana weydiistay inay isdejiyaan.

Haacaaluu, oo ahaan jiray maxbuus siyaasadeed, ayaa caan noqday intii ay socdeen dibad-baxyadii dheeraa ee dalkaas ka dhacay, kuwaas oo horseeday in Abiy Ahmed uu xafiiska yimaado 2018.

“Ma aysan dilin oo kaliya Hachalu. Waxay toogteen wadnihii Qowmiyadda Oromada, mar kale..Waad na dili kartaan dhammaan, marna nama joojin kartaan, marnaba” waxaa sidaas facebook soo dhigay Jawar Mohammed, oo ka mid ah hogaamiyayaasha Oromada.

REUTERS