Baanka Adduunka oo Ansixiyey $40 Milyan oo lagula Dagaallamayo Ayaxa Soomaaliya Ku Habsaday

Felipe Jaramillo iyo Abdirahman Bayle 2020
Felipe Jaramillo iyo Abdirahman Bayle 2020

Muqdisho(aftahannews):- Bangiga Adduunka, ayaa oggolaaday mashruuc ku kacaya $ 40 milyan oo doollar oo ah Kaalmada horumarineed ee Caalamiga ah (IDA) oo loogu talagalay Soomaaliya taas oo qayb ka ah Barnaamijka Waxqabadka Degdegga ah, si wax looga qabto khatarta Ayaxa iyo xoojinta nidaamyada u diyaarsanaanta dalalka dhibaatadu ka jirto ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Felipe Jaramillo iyo Abdirahman Bayle 2020
Felipe Jaramillo iyo Abdirahman Bayle 2020

Duullaanka Ayaxa ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay hab nololeedka ugu yaraan 2.6 milyan oo ku nool afartan iyo saddex degmo oo ka tirsan Soomaaliya, kaas oo aad u waxyeelleeyey dalagga beeraha iyo dooqa Xoolaha.

“Khatarta duulaanka ah ee Ayaxu waxay sii xumaynaysaa dhibaatada bina-aadamnimada ee ka jirta Soomaaliya isla markaana horseedaysa helitaanka cunno yari, dakhli lumis iyo iskahorimaad ku saleysan kheyraadka.” ayuu yidhi Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Felipe Jaramillo.

Mashruucaan wuxuu taageeri doonaa ku dhawaad 100,000 oo qoys oo helidoona caawimaad lacageed si ay u helaan cunno awood u siinaya inay ilaashadaan hantidooda iyo jir ahaanta inta lagu jiro dhibaatada.

“Waxaan taageereynaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay dejiso nidaam ilaalin bulsheed oo hoos yimaada barnaamijka Baxnaano kaasoo si dhaqso leh uga jawaabi kara si looga ilaaliyo beeraleyda iyo xoola dhaqatada, inay ku dhacaan heerar qoto dheer oo cunno yari, iyo sidoo kale ka hortagga iibka iyo luminta hantidooda wax soo saar,” ayuu yidhi Felipe Jaramillo.

Ku dhawaad boqolkiiba 70 dadka Soomaalida ah ayaa ku nool heerka ugu hooseeya ee saboolnimada iyadoo saboolnimada ay aad ugu sii badan tahay meelaha miyiga ah, taasoo ka dhigeysa Soomaaliya dalka saddexaad ee ugu saboolsan gobolka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.