Madaxweyne Biixi Iyo Cali Khaliif Oo Kulmay

“Waa Markii U Horaysa Oo Galaydh La Kulmo Madaxwaynaha Somaliland,Tan Iyo Markii La Doortay 2017″

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxwaynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa Qaabilay Prof Cali Khaliif Galaydh,hoggaamiyaha Khaatumo.

Kulankan oo noqonaya kii koowaad ee ay yeeshaan Muuse Biixi Cabdi inta loo doortay Madaxwaynaha Somaliland iyo Prof Cali Khaliif Galaydh,ayaa lagaga wada-hadlay Arrimo kala duwan,sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Geeska Afrika.

Hogaamiyaha Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa 2017-kii magaalada Caynaba heshiis kula saxeexday xukuumadii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,oo ka koobnaa lix qodob ayaa waxa uu fulintooda ka sugayay xukuumada Madaxwayne Muuse Cabdi.

Qodobada heshiiskan ku jiray ee Galaydh doonayo in xukuumada Madaxwayne Biixi fuliso waxa ka mid ah in ”Dastuurka Somaliland la furo” si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaaladda iyo sinaan.

Waxa kale oo ka mid ah qodobbada ku jiray heshiiska Somaliland iyo hogaamiyaha Khaatumo isla-markaana fulintooda laga sugayo xukuumada Madaxwayne Biixi in laga shaqeeyo sidii hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah uga hawl-gali lahaayeen Deegaannada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle.

Cali Khaliif Galaydh oo tan iyi markii Madaxwayne Biixi la doortay ku sugnaa Magaalada Hargaysa ayaa fagaarayaal badan kaga hadlay sidii aan loo fulin heshiiskii ay la galeen Somaliland.

Source:- Geeska Afrika