Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Dhaariyey Xubno ka dhinnaa Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailand, Mudane Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey laba xubnood oo ka dhinnaa Guddiga doorashooyinka Somaliland, kuwaas oo ay soo xuleen Xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani.

Labadan xubnood ee Guddiga doorashooyinka Qaranka ka dhinnaa oo ay  toddobaadkan ansixiyeen golaha wakiilladdu, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah,  si  ay u gudo-galaan hawlohooda, isla markaana u buuxiyaan kaalintooda xubinnimo ee muddada bannaanayd.

Ugu danbayn waxaana madasha dhaartu ka dhacday goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee Ucid iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo La-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Muuqaalka Dhaarinta Xubnahaas ku saabsan ka daawo halkan hoose:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.