Somaliland Tirada Dadka Covid-19 laga helay 24-kii Saacadood ee u dambeeyey oo la Shaaciyey

WASAARADDA cAAFIMAADKA SOMALILAND IYO WARBIXINTA XANUUNKA cOVID19 2020.png
WASAARADDA cAAFIMAADKA SOMALILAND IYO WARBIXINTA XANUUNKA cOVID19 2020.png

Hargeysa(Aftahannews):- Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa shaacisay in 18-qof oo cusub laga helay cudurka Coronavirus 24-kii sacadood ee u danbeeyay.

WASAARADDA cAAFIMAADKA SOMALILAND IYO WARBIXINTA XANUUNKA cOVID19 2020.png
WASAARADDA cAAFIMAADKA SOMALILAND IYO WARBIXINTA XANUUNKA cOVID19 2020.png

Dadka cudurka lagga baadhay oo ahaa 99-qof, waxa xannuunka laga helay 18-qof, oo 10-ka mid ahi u dhasheen Somaliland halka 8-da qof ee kalena ay yihiin dad ajaanib ah, 16-ka mid ah dadkan aya rag ah, halka 2 qofna ay dumar yihiin.

Bukaanadan cusub ee lagga helay cudurku waxaa ay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 70-jir, dadkan 10-qof oo ka mid ah waxaa ay degan yihiin magaaladda Berbera, halka 8-da qof ee kalena degan yihiin caasimadda Hargeysa.

Cudurka Coronavirus waxaa ka bogsaday 4-qof, taas oo tirada guud ee dadka xannuunka ka bogsaday ka dhigaysa 165-qof, Wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland waxaa ay bulshada ugu baaqday in ay ka digtoonaadaan cudurka isla markaana ay ilaaliyaan nadaafada sidoo kalena ay kala fogaadaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.