Dalalka Islaamku ma uga Falceliyeen sidii ku habooneyd Covid-19? Qallinka: Cabdifataax Shaafi

Sidda aynnu la wadda socono, waxaa adduunyadda aafeeyey xanuunka saf-mareenka ah. Kaas oo galaaftay dadyow badan oo dunnida ku noolaa.

Haddaba waxaan is-weyddiin doona dhowar su’aalood oo ku waajahan waddamada Islaamka ah iyo sida ay uga jawaabeen xannuunka, taas oo dad baddanni is-weyddiinayaan unna baahan in hoos loo eeggo si wax looga korodhsado ama loogu qaato. Waxay diinteennu bayaamisay culimadeenuna si waafiya innoogu sharraxeen in mar walba oo ILLAAHAY  laga fogaado oo ay bataan macaasida noocyaddeeda kala duwanni uu ILAAHAY ciqaabo addoomihiisa kuna ibtileeyo baallaayooyin, sida Xannuuno aan hore loo aqoonin oo tiro badan Duufaanno, Dhul-gariiro iyo waxyaale kale oo badan. si dadku ay u soo noqdaan unna xasuustaan awoodaha Alle.

Haddaba su’aasha aan isweyddiinayaa waxay tahay Islaamku ma u waajahay waqtigan la taagan-yahay xanuunkan hadda jira (Coronavirus) ama Covid19 sidii saxda aheyd ama ku habooneyd?.

Dadku diinta u saaxiibka ah iyo culimadduba waxay isku raacsan-yihiin in aan xannuunkan loo waajihin sidii ugu habooneyd, waayo xanuunkanni markiisii hore kamuu bilaamin waddamada Islaamka ah ee waxa uu ka soo bilaabmay dalalka aan Islaamka aheyn.

 Dalalkan aan Islaamka ahaynni waxay la-tacaalidiisa ku dabaqeen diimahooda iyo fikradahooda, iyagoo aan xasuusan in wax walba ay ka yimaadan xaga Alle, u noqoshadiisuna ay u tahay fursad u banaan. Arrintani waxay keentay in ay sheegaan in xannuunkan uu ku fidayo dhamaan waddooyinka ay xannuunadu ku fidaan, sidaa daraadeed loo baahan-yahay in qof walbaa uu naftiisa ilaashado, taas oo waxba kama jiraan ka dhigtay dhamaan aqoontii ay u lahaayeen Caafimaadka ku dhisnaa baratanka.

 Arrintan marka ay ka hadlayaan culimadu waxay leeyihiin waxay aheyd waqtigii ay caalamka Islaamku ka faa’iideysan lahaayeen jaaniskan oo ay odhan-lahaayeen annaga ayaa haynna dawada xanuunkan, may ahayn in Alle laga cararo oo la xidho Masaajida ee waxay aheyd in lagu cararo oo Alle la baryo, waxaan aad ula yaabay anniga shakhsi ahaanteydu in wadamadii Islaamka aadka looga necbaa in la fasaxo Eedaanka salaada lagana codsaday dadkii Islaamka ahaa ee ku noolaa deegaanadaa in ay Illaahay u baryaan in xanuunka Alle ka qaado, taa bedelkeedda waxaa iyanna qariib igu noqotay in waddamadii Islaamka ahaa la amray in dhamaan la xidho Masaajidda iyo goobahii cibaadada ee ugu weynaa. Runtii arrintanni waa sharaf dhac weyn oo aan loo baahneyn in ay soo noqoto mar kale.

Ugu dembayn waxaan rabaa in aan ku soo gabagabeeyo tixo yar oo uu leeyahay Abwaankeyga weyn Maxamed Ibraahim Warsame( Hadraawi) waana sida tan.

Nin diidey in aad runtahay

Ku doodey in aadan jirin

Rabbow dunidaada bilan

Dunteeda ma sheegi karo.