“Cristiano Ronaldo Waxa Uu Noqon Lahaa Ciyaartoy Ka Tirsan………”

Agaasimihii hore ee kooxda AC Milan ee Massimiliano Maribelli ayaa shaaca ka qaaday sida ay kooxdaasi ugu dhawaatay weeraryahanka haatan ee kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo markii uu kasoo dhaqaaqayay Real Madrid sanadkii 2018.

Ronaldo ayaa cidkasta ka yaabsaday laba sano kahor markii uu shaaciyay inuu ka dhaqaajinayo Real Madrid oo uu kusoo qaatay sagaal sano oo koobab ah isagoo mudadaas noqday mid kamida xiddigaha ugu fiican taariikhda kubadda cagta.

Iyadoo uu Ronaldo suuqa yaalay ayay Milan doonaysay saxeexiisa balse wakhtigaas ayuu mulkiilihii AC Milan ee Li Yonghong gabi ahaanba ka baxay heshiiska isagoo Ronaldo taas bedelkeeda heshiis 100 Milyan oo euro ah ugu wareegay Juve.

Haddaba, iyadoo uu Maribelli qirtay in dhaqaaluhu ahaa waxa go’aamiyay heshiiska uu Ronaldo ugu wareegay Juve ayuu dhinaca kale ku adkaystay inuu maanta xiddig Milan ah ahaan lahaa haddii ay mulkiilayaal kale kooxda haystaan.

Massimiliano Maribelli oo u warramayay muuq-baahiye Sportitalia ayaa yidhi “Waxay ahayd arrin aanu kala hadalnay Jorge Mendes (Wakiilka Ronaldo)”

“Waanu ogayn inay jiri karaan dhibaatooyin u dhaxeeya Ronaldo iyo Real, waxaanu samaynay waxkasta, laakiin intaas kaddib mulkiilayaashii China ayaa xanibay heshiiska sababtoo ah ma uusan ahayn mid waaraya, haddii ay joogaan mulkiilayaasha haatam CR7 waxa uu noqon lahaa ciyaaryahan Milan ah”

Sidoo kale Massimiliano Maribelli ayaa shaaca ka qaaday in Milan ay isha ku haysay inay tababare u magacawdo Antonio Conte kahor intii uusan Inter Milan u wareegin.