Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Jawaabay Su’aal Ahayd ‘Maxaa Somaliland U Qabsoomay 30-Kii Sano Ee U Dambeeyay..”?

Dararweyne (Aftahannews) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Waxyaabihii u qabsoomay Somaliland soddonkii sanadood ee ay ka maqnayy Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi oo daba socda dhawaaqyo su’aalo la isaga waydiinayo wixii Somaliland u qabsoomay 30-kii sanadood u dambeeyay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen baaq loogu yeedhay ‘Baaq Shacab’ oo ay soo saareen dhallinyaro aqoonyahan ah, wuxuu sheegay in wax weyni u qabsoomeen Somaliland muddadii ay ka madax-bannaanayd Soomaaliya.

Madaxweynaha oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad loo qabtay Dufcaddii labaad ee ka qalin-jebisa Kuliyadda Shaqo-qaran, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Somaliland, 30-kaa sano Dawlado ma ictiraafin, dhaqaale buuran lama siinin, IMF waxba ma siinin, Cidi wax u sheegan mayso, 30-kaa sanadoodna way koraysay oo maalinba Tallaabo ayay qaadaysey, waana Qarankaa dhisan ee aan Cidna aqoonin Ilaahay mooyaane, waa kal-samaanta iyo Isku Kalsoonida, waa wax wada qabsiga, waa marka wax la kala tirsado isku tanaasulka, waa marka aad wax qoonsato Qaranka dhowr, laakiin Dantaada sheego.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay inuu la yaabay Dad Somaliland jooga oo ka hadla Midnimo “Waxaan la yaabay, Dad halkan jooga ayaa waxay yidhaahdaan Midnimo iyo Dalkii jiray iyo waxaa soo hadal qaada, oo halkee ka socotaa? Soomaalidu inay midowdo, Sharaf yeelato oo ay wax noqoto waynu ugu jecel nahay.”  Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka sheekeeyay dhibaatooyinka xilligan ka jira Soomaaliya “Markaa Ninka Maanta Xamar u hadaaqaya ama hadal-haya ama tan (Somaliland) u dhaleecaynaya Xidhiidh uu Xamar la yeesho iyo wuxuu ka doonayo berito ama Ninka Baarlamaanka Xamar ee la hadal hayo Gaashaanka u tumanayoow, halkeed ka socotaa ? waar ma Qaran-baad eegaysaa mise naftaada, halkeed Somaliland ku waddaa ee ay wax u yaallaan, meel iyadiiba gubanaysa oo Lixdan Sanadood sidaas ah, markaa ugu baaqayso miyaad ku dhex gubaysaa.” ?Xigasho Wargeyska Geeska Afrika