Badhasaabka Saaxil Oo Sheegay In La Qaadatay Wacyi-Gelinta Covid19

Hargeysa(Aftahannews)-Guddoomiyha gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan oo sidoo kalena ah guddoomiyaha guddida heer gobol ee ka hortagga xanuunka Covidd-19, ayaa shir jar’iid oo uu ku qabtay Magaalada Berbera ku sheegay in wecyi-gelinta xanuunkaasi ay si wanaagsan u qaateen bulshada ku dhaqan degmada Berbera.

guddoomiyuhu waxa uu ka war-bixiyey tirada guud ee dadka laga helay xanuunkaasi oo uu sheegay inay tahay 22 qof, isaga oo tilmamay inay baadhitaan ku sameeyeen dad aad u tiro badan ka dib markii ay booqdeen goobaha caafimaad ee ku yaala degmada Berbera.
Waxa uu intaasi ku daray guddoomiyuhu talooyin ku aaddan ka hortagga xannuunkaasi Coronavirus oo uu bulshada gobolkaas u soo jeediyey in ay qaataan fariimaha wacyigelinta ee khubarada caafimaadka.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in gobol ahaan ay dalbadeen mishiinka xanuunka lagu baadho oo uu sheegay inay rajaynayaan inuu soo gaadho todobaadkan.

Guddoomiyha gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan ayaa beeniyay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegayay in qof ogsajiin la’aan ugu dhintay cusbitaalka Sheekh ee gobolka Saaxil, waxaanu ku tilmaamay in uu warkaasi yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo cadeeyey inay haystaan ogsajiin ku filan.
Gobolka Saaxil, ayaa kamid ahaa deegaamadii ugu horeeyey dad xanuunka qaba laga helay bilhii la soo dhaafay.