Jordan: “Waxaanu U Baahanahay Caddaalad, Haddii Kale………….”

Washintong (Aftahannews)-Halyeyga Kubadda Kolayga ee Michael Jordan ayaa oohin miciinsaday isaga oo ka hadlaya dhibaatada dadka madow ee Maraykanka lagu hayo, waxaanu si qiiro leh uga hadlay dilkii foosha xumaa ee  lagula kacay George Floyd.

Sarkaal ka tirsan Booliska Maraykanka ayaa George Floyd qoorta kaga fadhiistay isaga oo laba-dible u xidhan, waxaanu jilibka kaga hayey margiga muddo sagaal daqiiqadood ku dhow illaa intii ay naftu ka baxaysay, waxaanay tani keentay gadood iyo mudaharaadyo ay sameeyeen dad badan, kuwaas oo ay ugu dambayntii ku biireen ciyaartoyda Yurub qaarkood oo kulamadii toddobaadka ee Bundesliga ku dalbaday in Caddaalad uu helo Floyd.Michael Jordan oo ah halyeyga looga dambeeyo kubadda Kolayga Maraykanka, inta badanna aan ka hadal arrimaha siyaasadda ayaa markan adkaysan kari waayey.

Qoraal uu bartiisa Twitterka ku daabacay oo ay dad kalena oo badanna sii faafiyeen ayuu ku yidhi: “Si xad-dhaaf ah ayaan u murugaysanahay, waana fal xanuuun xanuun dhab ah iyo cadho leh.

“Waxaan arkayaa oo aan dareemayaa xanuunka qof walba ay ku keentay, murugada iyo qarracanka. Waxaan la jiraa kuwa ku baaqaya in la joojiyo takoorka iyo dhibaatada midabka ku sallaysan ee dadka dalkan laguu hayo. In nagu filan hore ayay noosoo mareen.”

Michael Jordan waxa uu madaxda Maraykanka ugu baaqay in loo baahan  yahay dareen nabadeed iyo in laga soo horjeedsado caddaalad-darrada, waxaanu si cad u dalbaday isla-xisaabtan iyo caddaalad siman oo Madowgu ay helaan xuquuqaha caddaanka.

Waxa uu madaxda Maraykanka ugu baaqay in isbeddel lagu sameeyo shuruucda dalka, haddii kalena ay codkooda ku ciilbixi doonaan.

“Qof walba oo innaga mid ah waxa looga baahan yahay inuu qayb ka noqdo xalka, waxaana waajib ah inaynu wada-jir uga shaqayno xaqiijinta caddaalad aynu u simanahay.” Ayuu yidhi.

Ugu dambayntii waxa uu murugada la wadaagay qoyska George Floyd, waxaanu yidhi: “Qalbigaygu wuxuu la jiraa qoyska uu ka  baxay George Floyd iyo kuwa kale ee aan tirada lahayn ee noloshooda ku waayay ficillada xun-xun ee dareen la’aanta takoorka iyo caddaalad-darrada ah.”