Scholes Oo Magacaabay Labadii Kooxood Ee Ugu Fiicnaa Abid

Halyeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa qirtay in kooxdii tababare Pep Guardiola ee sannadkii 2011 ay iska hor yimaaddeen ay ahayd tii uggu fiicnayd ee abid uu ka hor  tegay inii uu kubadda ciyaarayay.

Paul Scholes ayaa qayb ka ahaa kooxdii tababare Sir Alex Ferguson ee labada jeer ay Barcelona ku garaacday finalka Champions League, taas oo markii ugu horreysay ay magaalada Rome ku kulmeen sannadkii 2009 iyo sannadkii 2011 oo ay garoonka Wembley isku haleeleen.

Barcelona oo uu hoggaaminayay Pep Guardiola ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah kooxihii ugu fiicnaa taariikhda, iyadoo ku guuleysatay saddexley koobab ah, hase yeeshee waxa uu Scholes rumaysan yahay in xiddigihii Real Madrid ee  bilowgii 2000 ay kusoo dhowaayeen Barca.

Scholes oo ka hadlaya sidii ay Barcelona labada jeer ugu garaacday finalka Champions League, waxa uu sheegay in haddii aanay Barcelona xilligaas ahaan lahayn koox sidaa u awood badan ay koobab badan qaadi lahaayeen, laakiin ay iyaga haysay nasiib-darro, waxaanu uu yidhi: “Dhhab ahaantii waanu nasiib xumayn. Haddii ay waa kale ahaan lahayd, waxaanu ku guuleyan lahayn afar, shan ama lis Champions League.”

Kooxdii tababare Pep Guardiola ee waqtigaas ayuu sheegay inay ahayd mid aanay cidina qaban karaynin, waxaanu yidhi: “Waxay khadka dhexe ku haysteen Andres Iniesta, Xavi, Sergio Busquets iyo Lionel Messi. Henry ayaa garabka taagnaa. Difaaca dhexe Gerard Pique iyo Carlos Puyol. Shaki la’aan waxay ahaayeen kooxdii ugu fiicnayd ee aan abid ka hor tegay. Waxay ahaayeen mid ka mid kooxihii ugu fiicnaa ee aan abid arko.”

Halyeyga United waxa kale oo uu soo qaatay kooxdii Real Madrid ee xiddigaha waaweyn lagu ururiyey bilowgii 2000, waxaanu yidhi: “Laakiin haddii aan dib u laabto oo aan ka fikiro, kooxdii Real Madrid ee aanu ka hor tagnay. Waxaanu gebi ahaanba ku xasuuqnay Bernabeu hal sano. 3-1 ayaanu ku garaacnay ciyaartii hore, laakiin maxay koox ahayd. Kamay fogeyn kooxdaas Barcelona.

“Waxay ahaysteen Ronaldo-hii Brazil, Zinedine Zidane, Luis Figo, Redondo oo aan caadi ahayn, Raul, Roberto Carlos, Hierro, Iker Casillas oo goolka ku jiray, waxay ahayd koox aan caadi ahayn.”