Messi: “Nolosha Iyo Kubadda Cagta Midna Sidoodii Ma Noqon Doono…”

Xiddiga reer Agentine ee Lionel Messi ayaa sheegay in kubadda cagta iyo noloshuba guud ahaan aanay kusoo noqon doonin sidii ay ahayd caabuqa Korona ka hor. Messi ayaa qayb ka ah ciyaartoyda Barcelona ee tababarka bilowday laba usbuuc ka hor, iskuna diyaarinaya inay kooxdooda u raadiyaan koobkii saddexaad ee LaLiga ah ee xidhiidh ah, kaas oo ay ka hadhsan yihiin 11 ciyaarood, hase yeeshee ay Real Madrid isku-dheggan yihiin oo laba dhibcood oo kali ahi u dhexeeyaan.

Kabtanka Barcelona waxa uu hoggaamiyey go’aan adag oo ciyaartoyda kooxdaasi ay ku ogolaadeen in toddobaatan boqolkiiba ay mushahar dhimis u sameeyeen kooxda muddada ay dhibaatada Korona jirto, waxaana isaga u dheerayd inuu kaalmo lacag ah gaadhsiiyey waddankiisa Argentina iyo Spain labadaba.

Waraysi uu siiyey wargeyska El Pais ee kasoo baxa waddanka Spain ayuu Messi ku sheegay in wax walba uu isbeddel ku dhacay intii ay musiibada fayrasku jirtay, ayna adag tahay in sidii hore ay xaaladdu kusoo noqoto“Dhamaanteen waxa uu shaki inagaga jiraa sida ay adduunyadu noqon doonto kaddib waxyaabaha dhacay. Ka sokow go’doonka iyo xaaladda layaabka innagu riday, dad badan badan ayaa runtii waqti adag soo maray, sababtoo ah xaaladda oo si’ u saamaysay, sida kuwa waayey qaraabadooda iyo saaxiibbadooda ee aan waliba sii sagootinin.” Ayuu yidhi Lionel Messi.

Xiddiga reer Argentine waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyinkii uu xanuunkani sababay, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in waxyaabo badan oo taban ay keentay dhibaatadani, laakiin ma jiri karayaan wax ka xun dadka aad jeceshahay oo aad weydo, taas ayaa aniga igu abuuraysa walaac badan, waxayna iila muuqataa in dhamaanteen ay nasiib-darro innagu tahay.”

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa la filayaa in dib loo bilaabo June 12, waxaase uu Messi dareensan yahay in ciyaaruhu aanay noqon doonin kuwii hore ee xiisaha badnaa, waxaanu yidhi: “Kubadda cagtu marna sideedii hore ma  noqon doonto. Laakiin kaliya kubadda cagta maaha. Waxay ila tahay in noloshu guud ahaan aanay sideedii hore noqon doonin.”