Xiddiggii ugu Fiicnaa Kubbadda Cagta Qarniga 21-aad oo loo Codeeyay

Sports –  aftahannews):- Lionel Messi, ayaa loogu coddeeyay inuu yahay xiddigihii ugu fiicnaa kubada cagta qarnigaan 21aad. Xiddiga Barcelona ayaa dhawaan ku guuleystay abaalmarintiisii lixaad ee Ballon d’Or, waxaana loo arkaa inuu ka mid yahay xiddigaha ugu waa weyn Isboortiga tan iyo wixii ka danbeeyay sannadkii 2000.

Maadaama aysan codeyntaan ka qeyb qaadan karin xiddigihii qarnigii 20aad sida Pele, Johan Cruyff iyo Diego Mradona, waxay keentay inay codeyntaan ku tartamaan Messi iyo Cristiano Ronaldo.Shabakada caalamiga ag ee Goal ayaa weyddiisay taageerayaasha kubada cagta inay u codeeyaan xiddigii ugu fiicnaa tan iyo sannadkii 2000.

Tartanka waxaa ka qeyb qaatay 16 xiddig oo waa weyn iyadoo finalka ay isla soo gaareen Lionel Messi iyo ninka ay xafiiltamaan ee Cristinao Ronaldo.

La Pulga ayaa helay boqolkiiba 56 codadka taageerayaasha kubada cagta halka boqolkiiba 44 ay u codeeyaan xiddiga Juventus Cristiano Ronaldo.

Messi iyo Ronaldo waxay semi-finalkii ka soo adkaadeen halyeeyada reer Brazil Ronaldinho iyo Ronaldo Nazario. Wareegii sideed dhamaadka waxaa iyadana ka soo muuqday daaficii Barcelona Carles Puyol, xiddiga PSG Neymar, halyeeygii Man United Wayne Rooney iyo halyeeyga Barcelona Lionel Messi.

Waxaa iyagana wareega 16ka ku soo hadhay halyeeyada sida Zinedine Zidane, Zlatan Ibrahimovic iyo Samuel Eto’o.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.