Waa Maxay Sababta mar kale dib loogu dhigay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye?

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE ayaa Maanta ku dhawaaqay in dib loo dhigay Shirweynaha Xisbigaasi, sababo la xidhiidha Xanuunka Covid_19 oo Somaliland iyo dunida kaleba aad ugu faafaya.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo Maanta Saxaafadda la hadlay.
https://youtu.be/-PP_mbSxIE4

Guddoomiyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxa noo muddaysnaa bisha June Horraanteeda shirweynihii 4-aad ee Xisbiga KULMIYE inaanu qabano.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu yidhi; “Sidaad la socotaan waxa dhacay Xanuun Adduunyada oo dhan saameeyay, Dadka Shirkaa ka soo qayb-galayaa waa kun iyo dheeraad, sidaasi darteed waxaanu go’aansanay inta aynu Xanuunkaa la dagaalamayno ee uu inna dhaafayo Shirkii inaanu dib u dhigno..”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.