Muqdisho:  Covid-19 Oo Korodh Sameeyey Iyo Cabsidda Geeridda Oo Daris La Noqotay Dadweynaha

Muqdisho (Aftahannews)-  Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa maanta ah xaqiijisay 60 xaaladood oo cusub oo ah CVIDID-19, taasoo tirada guud ee cudurka ka dhigtay 1,976.

Wasiirka Caafimaadka Fawziya Abikar ayaa sheegtay in 21 bukaan ay ka soo kabsadeen COVID-19, taas oo tirada guud ee dadka laga soo saaray cusbitaallada ka dhigaysa 348.

Wasiirka ayaa sheegay in shan bukaan ah ay u dhinteen cudurka, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada tan iyo markii cudurka uu ka dilaacay Soomaaliya 78 qof.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, kiisaska ayaa ku soo badanaya waqti ay Soomaaliya la halgameyso xakameynta fatahaadda saameysay ku dhowaad hal milyan oo dad ah iyo ayax cunaya dalaga iyo daaqa.

Dhinaca kale, tirada kiisaska Covid19 Muqdisho iyo degaanada Puntland ayaa hoos u dhacday maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo dad kooban laga helay cudurka.