Xiddigihii 20-ka Ahaa Ee Ku Fashilmay Premier League & Lacagihii Lagu Soo Iibsaday Oo Walaac Laga Muujiyey

Suuq kasta oo furma, kooxaha adduunku waxay isku sameeyeen dibu-cusboonaysiin iyadoo ay lasoo saxeexdaan ciyaartooyo cusub, kuwo kalena ka baxaan, laakiin inta badan waxay dhacdaa xagaaga maadaama January ay tahay xilli ay horyaalladu badhtamaha marayaan oo aanay naadiyadu fasixin ciyaartoyda muhiimka ah.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ah kan lacagta ugu badan suuqa geliya, waxa uu sameeyaa dhaqdhaqaaq ruxa suuqyada oo ay kusoo iibsadaan ciyaaryahanno badan, waxaana ciyaartoyda ugu caansanaa ee ay soo iibsadeen ka mid ahaa Thierry Henry, Sergio Aguero iyo Cristiano Ronaldo, balse waxa kasii horreeyey halyeeyo waaweyn oo ay kasoo baxay kulliyadahooda oo ay suuqa u direen markii dambe.

Ciyaartoyda ay kooxaha Premier League soo iibsadaan, si la mid ah horyaallada kaleba, dhamaantood ma noqdaan kuwa guuleysta oo si fiican ula jaan-qaadi kara hab-ciyaareedka kooxaha lacagta badan kasoo bixiya.

Wargeyska Daily Mirror ayaa waxa uu soo bandhigay ciyaaryahannadii ugu waaweynaa ee kooxaha Ingiriisku ay lacagta badan kasoo bixiyeen balse la qabsan waayey oo qaab xun kaga baxay naadiyadooda.

Wargeysku waxa uu soo xulay 20-kii saxeex ee ugu qaalisanaa ee niyad-jabka ku riday kooxahooda iyo lacagihii laga soo bixiyey.

Saxeexii Manchester United ay sannadkii 2010 ku dhowaaqday ee Bebe oo ay £7.4 milyan kaga soo iibsatay kooxda reer Portugal ee Vitoria de Guimaraes ayaa kaalinta koowaad ee liiska 20-ka ciyaartoy ee fashilmay kusoo baxay, waxaan.

Laacibkan oo la filayay inuu sidii Cristiano Ronaldo oo kale garabka weerarka shidan doono, ayaa qalbi jab ku riday tababare Sir Alex Ferguson, waxaana kaliya uu saftay 75 daqiiqadood oo horyaalka Premier League ah ka hor intii aanu tababaraha khabiirka ah ee Ferguson aanu xaqiiqsanin inuu sameeyey khalad dhinaca suuqa ah.

Halyeygii reer Iran ee Ali Dai oo kooxda SOuthampton ku biiray November 1996kii ayaa kaalinta labaad kusoo baxay.

Andy Carrol oo Liverpool ay £35 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Newcastle United markii uu ka tegay Fernando Torres ayaa isaguna liiska kaalinta saddexaad kasoo galay, waxaanu ka sarreeyaa halyeygii kooxdaas ee Michael Owen oo sannadkii 2004 u wareegay Real Madrid laakiin ay sannad kaddib Newcastle United kusoo iibsatay £16 milayn.

Halkan kaga bogo 20-ka saxeex ee fashilmay:

  1. Bebe => Manchester United | £7.4 milyan
  2. Ali Dia => Southampton | Heshiis xor ah
  3. Andy Carroll => Liverpool | £35 milyan
  4. Michael Owen => Newcastle | £16 milyan
  5. Adrian Mutu => Chelsea | £20 milyan
  6. Eliaquim Mangala => Manchester City | £49 milyan
  7. Andriy Shevchenko => Chelsea | £30.8 milyan
  8. Kleberson => Manchester United | £8.5 milyan
  9. Jack Rodwell => Manchester City | £12 milyan
  10. Tomas Brolin => Leeds United | £4.5 Milyan
  11. Jo => Manchester City | £18 milyan
  12. Roberto Soldado => Tottenham | £26 milyan
  13. Massimo Taibi => Manchester United | £4.5 Milyan
  14. Afonso Alves => Middlesbrough | £14 milyan
  15. Andy van der Meyde => Everton | £2 milyan
  16. Andre Santos => Arsenal | £7 milyan
  17. Kostas Mitroglou => Fulham | £11 milyan
  18. Corrado Grabbi => Blackburn Rovers | £6.5 Milyan
  19. Ricky van Wolfswinkel => Norwich City | £8.5 milyan
  20. Marco Boogers => West Ham | £1 milyan