Djibouti: Xannuunka Covid-19 oo ku soo laabtay iyo Tiradii ugu badnayd oo la Shaaciyey

Jabuuti (Aftahannews):- Wasaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa Sabtida maanta shaacisay in 280 kiis oo cusub oo Fayraska Covid-19 ah dalkaasi laga helay saddexdii maalmood ee u dambeeyey.

Tiradaasi, ayaa ah mid sarreysa marka loo eego toddobaadyadii la soo dhaafay oo uu dalkaasi u muuqday mid guul ka gaadhay xakameynta Fayraska. Dowladda Djibouti, ayaa shaacisay in 26,366 Qof oo ay ka baadhtay cudurka laga helay 3,194 Ruux, halka 1,286 dadkaasi ka tirsani ay ka ladnaadeen xanuunka.

Tirada dadka cudurka ugu dhintay Jabuuti, ayaa hadda gaadhay 22 Qof. Jabuuti oo tirada dadkeeda lagu sheego inay ku dhawdahay Hal Milyan oo Qof, ayaa waxay diiwaangelisay kiisaska ugu badan ee Bariga Afrika ee xanuunka Covid-19.

Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa dhawaan khafiifisay xayiraad ay dalkeeda ku soo rogtay si loo yareeyo faafitaanka Fayraska Korona, waxaana khubarada caafimaadku ay sheegayaan in shacabka badankoodu aanay fulin talooyinka caafimaadka ee ay ka mid ka yihiin gacma-dhaqashada, joogista guryaha iyo kala fogaanshaha.

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.