Ciyaartooy isaga iyo Qoyskoodi u Geeriyoodeen Xummadda Covid-19

Sports aftahannews – Ciyaartoygii ugu horreeyey kubadda cagta ayaa u geeriyooday caabuqa Korona, kaas oo muddo uu xanuun ba’an ku jiray kaddib lasoo sheegay in uu u dambayntii dhintay isaga oo ay da’diisu ahayd 25 jir.

Deibert Frans Roman Guzman ayaa taariikhda kubadda cagta ka noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee caabuqu uu sababta u noqdo dhimashadiisa, waxaana ehelka uu ka baxay tacsi gaadhsiinaya bahda ciyaaraha oo dhan.

Deibert Frans Roman Guzman oo u dhashay waddanka Bolivia, kana tirsanaa kooxda University of Trinidad ayaa dhawr toddobaad ku jiray cusbitaal uu ugu dambayntii ku geeriyooday, laakiin laacibkan ayaa sidoo kale uu qoyskiisa burbur weyn u geystay caabuqu.

Warkan naxdinta leh ayaa yimid xilli Aabaha dhalay Guzman oo lagu magacaabi jiray Belizario Roman oo madaxweyne ka ahaa kooxda uu ciyaartoygani ka tirsanaa ee University of Trinidad uu u dhintay caabuqa bilo ka hor, taas oo kooxdan iyo qoyskaba ku keentay murugo iyo argagax weyn.

Waxa kale oo qoyskan uga geeriyooday caabuqa Luis Carmelo Roman oo adeer u ahaa Deibert Frans Roman Guzman, walaalona ay ahaayeen Belizario Romanm, kaas oo geeridiisuna ay xanuun intii hore ka badan kusii abuurtay kubadda cagta maadaama uu ahaa tababaraha kooxda Deportivo Perejique.

Saddexdan qof ayaa la sheegay inay ku wada noolaayeen hal guri oo ku yaalla Paititi oo ka tirsan gobolka Beni oo ka mid ah deegaamada Bolivia ee uu sida xun u aafeeyey caabuqa, iyadoo ay sidoo kale halkaa kula noolaayeen xaaska Belizario iyo laba hablood oo uu dhalay.

Wararka laga helayo Bolivia may sheegin sida ay hadda tahay xaaladda saddexda qof ee kasii nool qoyska ee xaaska Bolizario iyo labada hablood, hase yeeshee waxa kaliya oo laga ogyahay in ciyaartoygan 25 jirka ah, aabbihii iyo adeerkiiba ay geeriyoodeen.

Xidhiidhka kubadda cagta Bolivia ayaa tacsi u diray qoyska ay ka baxeen Guzman, Angel Suarez iyo Madaxweyne Bolzario, waxaana bayaan ay soo saareen ay ku sheegeen in ay saaxiibbada iyo qoyskan la qaybsanayaan murugada, qalbi-jabka iyo tacsida, waxaanay u rajeeyeen samir.

War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha xidhiidhku, waxa kale oo lagu sheegay in caabuqu uu soo dhex-galay qoyska kubadda cagta, ayna tahay wax laga murugoodo, laakiin sidoo kale ay ka murugaysan yihiin dhimashada badan ee uu caabuqu ka geysanayo gobolka Beni, waxaanay dawladda ugu baaqeen inay qaadaan tallaabooyin lagu xakamaynayo faafidda.

Warkan naxdinta leh ayaa yimid xilli horyaallada Yurub la shaaciyey in bisha June ay soo laaban doonaan, sidoo kalena uu Bundesliga kulamadii afraad usbuucan gelayo.

Khadar J. Dirir

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.