Khabiir Maraykan ah oo ka Digay Qorshaha Madaxweyne Muuse Biixi ee Maxkamadda!

Washington (Aftahannews)- John M. Rosenberg oo ah khabiir Maraykan ah oo deggen magaalada Washington ee dalka Maraykanka, kuna takhsusay arrimaha qaaradda Afrika, ayaa ka digay  in Somaliland ay qaddiyaddeeda geyso Maxkamad caalami ah.

Madaxweyne Biixi, ayaa khudbad uu jeediyay maalintii 18kii bishan May ee 2020 oo ku beegnayd 29-guurada ka soo wareegtay  la soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland, wuxuu ku sheegay inuu qabo in Somaliland iyo Soomaaliya ku kala bixi karaan laba qodob midkood, kuwaas oo kala ah wada hadal caalami ah oo la raacayo nidaamka wadahadallada caalamiga ah oo ay goob-joog yihiin dawlado iyo hay’ado caalami ah.

Haddiise qodobkaas la waayo, wuxuu soo bandhigay qodobka labaad oo ah inay ku kala bixi karaan Maxkamad caalami ah. “Arrinta labaad ee lagu kala bixi karaana waxa weeyaan Maxkamad Caalami ah oo aynu arrinteenna toos u geysanno.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Hase-yeeshee, Khabiirkan oo aad ula socda arrimaha Somaliland iyo guud ahaan Afrika, ayaa qoraal uu 21 May soo geliyay bartiisa twitterka, wuxuu kaga digay aragtida ah in qaddiyadda Somaliland la geeyo maxkamad caalami ah.

“Dawladda Somaliland waxa ay sheegtay inay qorshaynayso in qadiyadeeda ay gaynayso maxkamad. In qadiyadda la geeyo maxkamad caalami ahi waa istiraajiyad lagu guuldaraysanayo, balse waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa sharcinimo loogu hello galaan gal meel kale laga sameeyo.” Sidaas ayuu yidhi John M. Rosenberg.

Mr. John Rosenberg, ayaa wuxuu ka mid ahaa la taliyayaasha murashax Michael Bloomberg oo ka mid ahaa murashixiintii ka qayb gashay doorashada xisbiga dimuqraadiga ee Maraykanka dhexdiisa, balse aan guulaysan, waxaanu qormooyin ku saabsan siyaasadda dawladda Maraykanka ee Afrika ku baahiyaa wargeysyo kala duwan.

Xigasho Geeska Afrika.