Xildhibaan Baarlamanka Somaliland ka tirsan oo ka digay dagaal uu Sheegay inay Soomaaliya waddo

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaan  Naasir Cali Shire  oo ka mid ah Mudaneyaasha  Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka digay dagaallo qaawan oo diblamaasiyadeed  oo uu sheegay inay Soomaaliya ku soo qaadday Somaliland.

Naasir Cali Shire oo Warbaahinta la hadlay, ayaa u soo jeediyay Soomaaliya in ay ka waantoobaan colaadda iyo dhagaraha ay ku hayaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu intaas ku daray  in baraha bulshada (social media) laga wado sidii loo kicin lahaa Shacabka reer Somaliland.

 Naasir Cali Shire oo rimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi; “Dhawr jeer oo hore ayaan ifiyay in dagaal innagaga socdo Soomaliya, dagaalkaas oo Somaliland ku jihaysan oo odhanaya  halkee baynu  Somaliland ka galnaa  iyo  sideen  Diblamaasiyadda uga  soo xidhnaa iyo in nabada Somaliland  ka jirta  sidii  loo  carqaladayn lahaa  ee   dadka   layskugu diri lahaa.”

“Waxana jira   niman  dhallinyaro  ah oo  dhashay 1991 kii wixii ka dambeeyay oon fikir badan  ka haysan  wixii  loo soo maray Qarankan oo lacag lagu  kasbaday.waxaanad  dib  ugu  fiirsataan   waxyaabihii  ka  dhacay   wadamada   Yaman  Masar  Liibiya  iyo  Sudan  waxa laga burburiyay  Social  Media  waxaanay  ku  bilaabeen  in  dhallinyaradaasi maasayj ay u  diraan  waxaana y ku kiciyeen   dawladihii  markaa jiray  iyagoo ku andacoonaya in  aanay waxba jirin taas  ayaana  keentay in  dawladahaa lagu burburiyo”. ayuu yidhi Xildhibaan Naasir.

Waxaa kale o uu Xildhibaanku ka hadlay hubka dawladda Masar ay siisay Soomaaliya oo uu sheegay in uu halis ku yahay ammaanka guud ee mandaqada isla markaana waxa uu ku eedeeyay dawladda Masar in ay jebisay cunaqabatayntii hubka ee sarnayd Soomaaliya.

“Wuxuu  noqonayaa  hubkaasi mid lagu isticmaalo dadka  Soomaaliyeed waxaanay ka hor imanaysaa Cunoqabatayntii Hubka ee la saaray Soomaaliya Hadii meel dab yaallo dab lagu sii shido khatarteeda ayay leedahay, waxaannu doonayaa Farmaajo in xoog laysku muquuniyo sabankana ma shaqeeyo caqligaasi.” sidaa ayuu yidhi Xildhibaanku.

Waxaanu Xildhibaan Naasir oo hadalkiisa sii wataa intaas ku ladhay; “Cid walibana way ogtahy in Somaliland ay tahay Qaran  jira oo  taagan waana wax lagu  qoslo. Waana Siyaasad faashil ah in Soomaaliya tidhaahdo Xildhibaan ayaad tahay dadka u shaqo tegay ee ka soo jeeda Somaliland, waxaanan u soo jeedinyaa inay ka waantoobaan Colaadda iyo dhagaraha ay ku hayaan Somaliland.”

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.