Addis-Ababa: “Telefoonkiisa Oo La Soo Garaacay Ayuu U Geeriyooday”

Addis-Ababa (Aftahannews) Askari Itoobiyaan ah ayaa toogasho ku dilay nin uu moobilkiisa gacantu soo dhacay ama la soo wacay xili kulan dadweyne uu jiray, hay’adda Amnesty International ayaa warbixin cusub ku sheegtay arrintan.

Dhacdada oo ka dhacday deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa la diwaan galiyay dhammaadka sannadadii 2018 iyo 2019. Waa xiligii uu Abiy ku guulaysanayay Biladda Nabadda ee Nobel Peace Prize.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu ammaanay is-bedeladda uu sameeyay intii uu xafiiska joogay, balse waxa lagu canaananayaa in aanu waxba ka qaban arimaha qoomiyadaha iyo tacadiyo kale oo ka dhan xuquuqda aadanaha kuwaas oo wali ka socda qaybo ka mid ah Itoobiya

Saab Tv