Arrin lama Filaan ah oo lagu arkay Kubbadda Cagta ee Bundesliga!

Sports aftahannews – Kubbadda cagta ayaa ah mid markasta arrimo lama filaan ah u saaxiib ah waana sababta ay ciyaaraha kale oo dhan uga jecel yihiin jamaahiirtu balse xogaha qaar ayay aragtidoodu noqonaysaa kuwo kugu adkaada inaad rumaysato.

Kubadda cagta gaar ahaan horyaalada waaweyn ee Yurub ayaa mudo ka badan laba bilood u xidhnaa sababta caabuqa dunida sida ba’an ugu fiday ee Korona laakiin horyaalka Bundesliga ayaa ugu dambayn soo laabtay toddobaadyo ka hor.

Si lamid ah horyaalkaas, horyaalada kale ee waaweyn ee Yurub ayaa dhammaantood wada qorshaha ay dib ugu soo laabanayaan iyadoo inta badan la shaaciyay wakhtiga ay si rasmi ah dib ugu bilaabmayaan.

Xaalad kastaba, mid kamida arrimaha qabsoomay kaddib soo laabashada kubadda cagta gaar ahaan horyaalka Bundesliga ayaa ah dhacdo yaabkeeda leh.

Xogtan cajiibka ah ayaa ah in kooxaha garoonkooda lagu ciyaarayo ay ahaayeen kuwa inta ugu badan loo awood sheeganayay tan iyo soo laabashadii horyaalkaas kaddib 27 kulan oo guud ahaan la ciyaaray.

27 kaas kulan ee laga soo ciyaaray Bundesliga ayay kooxaha martida loo ahaa ayaa kaliya shan kulan guuleystay halka ay 10 bar-bardhac galeen isla markaana 10 jeer guulo lagala tagay.

Kulamadii ka horreeyay hakinta xilli ciyaareedka ayay kooxaha martida loo ahaa 97 kulan soo guuleysteen kaddib 224 kulan oo la ciyaaray halka ay 78 guuldarro lasoo kulmeen isla markaana 49 jeer bar-bardhac soo galeen.

Ugu dambayn, Fashilka kooxaha martida loo yahay ayaa lagu sababayn karaa taageerayaal la’aanta haysata iyo inay kooxdii soo booqatay si siman iskaga hor imanayaan mar hadaan garabkii jamaahiirtu jirin.

Khadar J. Dirir

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.