Somaliland: Isla Xisaabtan Shacabku Ka Dalbaday Guddiga Covid-19 oo Faahfaahin laga Soo Saaray

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga heer  Qaran  ee Ka hortagga cudurka  Covid-19 ee Somaliland, ayaa  markii u horraysay Shacabka Somaliland uga jawaabay dalabkooda ahaa inay Guddigusoo bandhigaan caddadka lacageed ee illaa hadda soo gaadhay, waxa lagu qabtay iyo waxa loo qorsheeyey in lagu qabto, ayaa maanta warbixin ka soo saaray xaddiga dhaqaale ee ay hayaan, inta soo gaadhay, inta baxday, waxay ku baxday iyo sida dhaqaalahaasi u soo kala gaadhay.

Guddoomiyaha Guddigaas ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo Sabtida Maanta Warbaahinta la wadaagay Warbixinta Guddiga, ayaa sheegay inay jiraan Qalab ay dalbeen oo dhaqaalaha soo gaadhay ay ka bixinayaan iyo qalab iyo agab kala duwan oo deeqo ahaan ku soo gaadhay iyo kuwo ay weli sugayaan iyo waxa ay u qorsheeyeen xaddiga dhaqaale ee ay illaa hadda hayaan Guddi ahaan oo Shan Milyan oo Doollar kor u dhaaftay iyo waxyaabaha loo qorsheeyey in lagu qabto.

Haddaba, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo qodobbadaas faahfaahin ka bixinaya, waxaannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.