Premier League: 15-ka Difaac ee abid ugu wanaagsanaa Horyaalka

Sports aftahannews – Kabtankii hore ee kooxda kubadda cagta Chelsea ee John Terry ayaa loo doortay difaacii ugu wanaagsanaa abid horyaalka Premier League, waxaanu ku garaacay laacibiin waaweyn oo waqtiyo badan kusoo jiray ciyaaraha, loona saadaalinayey inay noqonayaan kaalmaha ugu horreeya difaaca dalkaas.

Horraantii bishan, difaacii hore ee Manchester City ee Vincent Kompany ayaa shaaciyey in difaacii ugu wanaagsanaa ee Premier League soo maray uu yahay laacibka Liverpool ee Virgil van Dijk, laakiin xaqiiqooyinka xogta lahayo iyo qiimaynta sannadaha badan ayaa waxay ina tusinaysaa in sannad iyo laba aanay ahayn in lagu qiimeeyo ciyaartoy loo dooranayo midkii ugu fiicnaa horyaalka sannado badan soo shaqaynayay.

Qiimayn ay samaysay shabakadda xogta ee Squawka ayaa waxay soo bandhigtay in Virgil van Dijk uu kaalinta 10aad kasoo gelayo qiimaynta difaacyahannada ugu wanaagsan horyaalka, waxaana ka sarreeya sagaal xiddig oo kale oo guulo shaqsi ah iyo bandhig jamaahiirta qanciyeyba kasoo muujiyey.

Kabtanka Chelsea ee  John Terry ayaa difaacii ugu wanaagsanaa ee abid Premier League loo doortay, waxaana ku xiga difaacii Manchester United ee Rio Ferdinand oo sannado badan oo uu joogay Old Trafford ku guuleystay koobab badan oo Premier League, Champions League iyo tartamada maxalliga ahba iskugu jira.

Sol Campel oo Arsenal ah ayaa kaalinta saddexaad soo galay, waxaanay is-cidhiidhsadeen halyeygii ay isku kooxda ahaayeen ee Tony Adams.

Arrinta cajiibka ah ee qiimayntan kasoo baxday ayaa waxay muujinaysaa in Kompany oo u doodayay Van Dijk uu xattaa isagu ka wanaagsan yahay oo uu sagaalaad soo galay.

Halkan kaga bogo 15ka difaac ee ugu fiicnaa horyaalka Premier League:

  1. Ledley King
  2. Kolo Toure
  3. Sami Hyypia
  4. Jamie Carragher
  5. Jaap Stam
  6. Virgil van Dijk
  7. Vincent Kompany
  8. Steve Bruce
  9. Ricardo Carvalho
  10. Gary Pallister
  11. Nemanja Vidic
  12. Tony Adams
  13. Sol Campbell
  14. Rio Ferdinand
  15. John Terry.