Ra’iisal-wasaare Khayre: “Doorashadu iney Xilligeeda ku Qabsoonto waa…..”

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay laga maarmaan tahay iney doorashada xilligeeda ku qabsoonto, sida oo kalana doorashadu ay tahay sharciyadda ay ku joogaan xilalkana ay ku hayaan.

Ra’isal wasaaraha ayaa hadalkaasi sheegay xilli uu la kulmay golahiisa wasiirradda. Wuxuuna Ra’isal wasaare kheyre uu ku baaqay maanta laga billaabo iney tahay in la diyaariyo sidi ay doorasha u dhici lahayd”Dalkan waa inuu afarti sanaba mar uu doorasho galo, doorasha ay dadka intooda badan isla oggol yihiin , dadka ay quseyso doorashada oo dhan ama badankooda (stakeholders) ay qayb ka yihiin. Doorasha ayaa ka dhici jirtay dalkan waxay doontaba ha ahaatee waana tan na siisay sharciyadda aan ku joogno. Doorasha inay dhacda ayaa ka muhiimsan inta kale” ayuu yidhi Khayre

“Taa macnaheedu waxay tahay inuu qof weliba uu ku dhasho dareenka ah iney dalkan afarti sanaba mar ay doorasho ka dhcado. Hadda waxaa gacanta ku haya baarlamaanka, waxaa kale oo shaqeeya guddigi laakiin ka siyaasiyiin ahaan madaxdii qaranka oo golihi wasiirrada ah waxaan rabaa inaad ogaataan oo aan ku fikirno laga billaabo maanta iney shaqadeenna ay noqon doonto sidi dalkan aan u gaarsiin laheen doorasho umadda Soomaaliyeed u dhan tahay, xasiloon, nabad ah, dadku ay qayb ka noqdaan” ayuu yidhi Ra’isal wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo golahiisa wasiirrada la hadlayey.

Haddaba muxuu ka dhigan yahay hadalka Ra’isal wasaare Kheyre? Muxuuse ka tari karaa guuxi muddo kororsi eee jiray? waxay su’lahaasi iyo su;aala kalaba BBC-da u bandhigtay Agaasimaha Machadka Heritage C/rashiid Xaashi.”Hadalka Ra’isal wasaaraha hadal macquul ayuu u egyahay oo wanaagsan, dowlad ahaanna haddii uu yiri wakhtiga ugu badan baan gelin doonnaa iney wakhtigeeda ku dhacdo doorashada xalaal ah, oo aan dhibaata keenin, oo aan dalkan qalalaasa ku keenin ayagana wixi ay qabteen iyo sharciyaddooda aan sii carqaladeyn runtii waa war wanaagsan oo u baahan in la soo dhaweeyo, laakiin haddii fursad la heli lahaa waxaa la sii weydiin lahaa su’aalo iyo faahfaahin intaa ka badan”.

“Doorasha in la qabto waa lagu qasban yahay oo wakhtiga madaxweynuhu dhammaado oo 8-dda Fabraayo la gaaro, qolyaha baarlamaankana ilaa Octoobar-December la gaaro muddo xileedkoodi ayaa dhammaanaya haddii marka wakhti la gaaro oo ay doorasha dhicin ma talin karaan oo sharciyad ma haystaan”, ayuu yiri.

“Ilaa iyo 2,000 waxaa dalka lagu soo waday qolo walba marka uu wakhtiga u dhammaado doorasha tii hore ka fiican iney sameeyaan, dowladdanna waxaa laga sugayaa dooorasha hal qof iyo hal cod ah, annaga bishii hore daraasad aan soo saarnay waxaan ku caddeynay wixi loo baahnaa ama sababi lahaa doorasha hal qof iyo hal cod ay suuragal ahayn, waxaanna ku talinnay dhinacyada ay khuseeysa siyaasadda Soomaaliya oo dhan inay iisu yimaaddaan balse waxaad mooddaa iyada oo ay 9-10 meelahaa hadhsan yihiin in aad loo daahsan yahay oo aan weli la iisu iman” ayuu yidhi C/rashiid.

“Laakin, tallaabbadan waa tallaabba macqul ah uu hadda Ra’isal wasaaruhu ku dhawaaqay waana iney sidii galmudug oo kale ay aad u jiitamin oo xal la gaadho” ayuu yidhi Agaasimaha Machadka Heritage C/rashiid Xaashi oo BBC warramay.In muddo ahba waxaa isasoo tarayay walwal ku saabsan in saameynta coronavirus ay taabato jadwalka doorashada Soomaaliya.

Wakiilka EU-da ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Midowga Yurub ay ka walaacsan yihiin cawaaqib xumo ay suuragal tahay inay ka dhalato taariikhda cusub ee loo qabtay in guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya ay hor tagto Baarlamaanka Federaalka.

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.

You must be logged in to post a comment Login