Bannaanbaxyada Rabshadaha Wata ee Madawga oo Maraykanka Gilgilay iyo Aqalka Cad oo Muddo la Xidhay

BANNAANBAXYADA MADAWGA MARAYKANKA OO SII XOOGAYSTAY 2020
BANNAANBAXYADA MADAWGA MARAYKANKA OO SII XOOGAYSTAY 2020

USA(aftahannews):- Dibadbaxayaal cadheysan iyo Booliska, ayaa isku dhacay magaalooyin badan oo ku yaalla Dalka Mareykanka, iyadoo ay sii koradhay carada ka dhalatay dilka nin madow ah oo aan hubeysneyn oo uu askeri ka tirsan booliska ku dilay magaalada Minneapolis.

BANNAANBAXYADA MADAWGA MARAYKANKA OO SII XOOGAYSTAY 2020
BANNAANBAXYADA MADAWGA MARAYKANKA OO SII XOOGAYSTAY 2020

Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa masiibada dilka George Floyd ku tilmaamay inay isu bedashay “kharbudaad si ula kac ah loo sameynaya” New York, Atlanta iyo deeganno kale ayay xasillooni darrada ku baahday iyadoo Aqalka Cad si ku meel gaar ah loo xiray markii dibadbaxayaal carreysan ay soo hor dhoobteen.

Ilaalada madaxweynaha ayaa xiray albaabada laga gala iyo kuwa laga baxa ee Aqalka Cad. Masuuliyiinta ayaa shaaca ka qaaday inay xilka ka qaadeen askeriga dilay ninka islamarkaana la xiray, dambi dil ahna si rasmi ah loogu soo oogay.

George Floyd, oo ahaa 46 sano jir ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay boolis caddaan ah oo luqunta jilibka kaga hayay Floyd.

Muuqaal 10 daqiiqo soconayay ayuu ka duubay qof dhacdadaasi goob joog u ahaa kaas oo uu ka dhex muuqdo Floyd oo ay nafta hayso oo booliska caddaanka ah si ku celcelis ah ku leh “waan neefsan la’ahay”

Booliska ayaa sunta dadka ilmeysiisa oodda uga qaaday mudaaharaadayaasha iyadoo la arkayay ganacsiyo la boobayo. Waxaa sidoo kale banaanbaxyo ka dhaceen Chicago, Illinois, Los Angeles, California, iyo Memphis, Tennessee.

Dilkan ayaa waxa uu sare u sii qaaday caradii hore, ee ku aadanayd dilalka ay boolisku u geystaan dadka madow ee reer Mareykan ah.

Trump muxuu ka yiri

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku tilmaamay “dhacdo daran” waxa uuna sheegay inuu la hadlay qoyska Floyd oo ku tilmaamay “dad cajiib ah”

Trump ayaa horay bartiisa Twitter-ka soo dhigay hadal dadka ka si careysiiyay kaas oo u muuqday inuu dhiiragelinaya qalalaasaha. “Hhaddi wax la dhaca, toogasha ayaa xigta” ayuu yiri Trump.

Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaasi in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas.

Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd.

“Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga

Maxaa u dambeeyay?

Minnesota oo ah xudunta dibadbaxyada ayaa waxaa ka taagan xiisad iyadoo bandow habeenkii ah lagu soo rogay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis-Saint Paul.

Dibadbaxayaasha ayaa qaadacay bandowga Jimcihii iyadoo gooba badan sida xarun boolis iyo gawaarida booliska dab la qabadsiiyay. Telefishinada ayaa sidoo kale baahinayay muuqaalo tusayay boob iyo dhac ka socda meelaha qaar.

Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa ciidamada ilaalada qaranka ku daabulay Minneapolis kaddib markii ay maayarada codsadeen in ciidamadaasi la keeno iyadoo xaaladda amniga ay faraha ka baxday.

Waxa uu sheegay in boobka ay geysanayaan dibadbaxayasha u sababay in ganacsiyo badan khasaaro loo geysto, oo ay ka mid yihiin kuwa ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay.

”Geerida George Floyd waa iney nagu hogaamisa dhanka cadaaladda ee ma ahan in ay horseeddo burbur iyo dhimasho hor-leh.” Waxa uuna waxbixin uu soo saaray mudaaharaadyaasha ugu baaqay iney si nabdoon u banaan-baxaan.

Aqalka gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa heegan sare geliyay milatariga si ay isugu diyaariyaan suurtagalnimada in la geeya Minneapolis.

Gobolka Atlanta, xaalad deg deg ah ayaa lagu soo rogay meelaha qaar ka dib markii ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wato. Dhowr dhismo ayaa la boobay iyadoo sidoo kalana dab la qabadsiiyay gawaawir ay leeyihiin booliska.

Magaalada New York, waxaa isku dhacay booliska iyo dibadbaxayaasha oo dhagxaan tuurayay islamarkaana dab qabadsiiyay gawaarida booliska. Dhowr askeri ayaa ku dhaawacantay. Dad badan oo ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa la xiray.

Duqa magaalada New York Bill de Blasio ayaa bartiisa Twitter-ka so dhigay ” Ma dooneyna in habeen kan oo kale ah uu na soo mara .”

Xigasho BBCSomali.com.