Somaliland: Tirada Dadka laga Helay Xanuunka Covid-19 & inta u Dhimatay oo Korodhay

Hargeysa(aftahannews):- Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay sii kordheen kiisaska Dadka laga helay xannuunka Covid-19 iyo inta u dhimatay-ba, waxaana Sabtida maanta la shaaciyey inay kordheen 29 Qof, dhimashaduna  hal Ruux ku kordhay 48-kii saac ee u dambeeyey.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixinta maalinlaha ah ee wasaaraddu ka soo saarto Covid-19 jeediyey Sabtida 30-ka bisha May 2020, ayaa sheegay in 48-kii saac ee u dambeeyey la baadhay Dad Boqol ka badan, isla markaana 29 Ruux laga helay xanuunka oo hal qof oo ka mid ahi Hargeysa ugu dhintay xanuunkaas.

29-ka Qof ee xanuunka laga helay, ayaa 23 ka mid ahi Rag yihiin, halka 6-da kale Haween yihiin, kuwaas oo 24 ka mid ahi deggan yihiin Hargeysa, halka ay shanta qof ee kalena deggan yihiin magaalada Burco.

Somaliland Tirada guud ee Dadka xanuunka laga helay ayey 29-ka Qof ee maanta ka dhigayaan 286 Qof, halka ay tirada guud ee dhimashadu ka tahay 19 Ruux. Waxa ka ladnaaday Xanuunka 33 Qof, sida uu sheegay Agaasime Xergeeye.

Haddaba, Warbxinta Sabtida uu jeediyey Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.