Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Waqtiga u Kordhiyey Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya

ASKARTA AMISOM EE KU SUGAN SOMALIA OO WAQTIGA LOO KORDHIYEY 2020.jpg
ASKARTA AMISOM EE KU SUGAN SOMALIA OO WAQTIGA LOO KORDHIYEY 2020.jpg

New York (Aftahannews):- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa isku raacay kulan 29kii May 2020 oo shalay ku beegnayd ku dhexmaray qadka internetka in waqtiga loo kordhiyo howlgalka ciidamada Amisom ee Soomaaliya.  Muddo sagaal bilood ah, ayaa loo kordhiyay, iyadoo sabab looga dhigay si ay u taageeraan amniga doorashooyinka Soomaaliya ee qorshaysan 2020/2021.

ASKARTA AMISOM EE KU SUGAN SOMALIA OO WAQTIGA LOO KORDHIYEY 2020.jpg
ASKARTA AMISOM EE KU SUGAN SOMALIA OO WAQTIGA LOO KORDHIYEY 2020.jpg

Waxaa go’aankaan isku raacay 15-ka xubnood ee golaha ammaanka, kadib markii ay ka doodeen qaraar tirsigiisu ahaa 2520 oo ka hadlayay joogitaanka ciidamada Amisom ee gudaha Soomaaliya.

In ka badan 19,626 askari oo katirsan howgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya. Muddada loo kordhiyay ayaa ku eg horaanta sanadka soo socda ee 2021.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in muddadaas sagaalka bilood ah ay ciidamada Amisom qabandoonaan shaqooyin ay kamid yihiin, in ay  dib-u-habeyn ku sameyso howlaha lagu taageerayo Qorshaha Kala-guurka sida xaaladaha nabadgelyada; hagida iyo caawinta ciidamada amniga Soomaaliya.

Ka caawinta sugidda iyo dayactirka wadooyinka muhiimka ah ee sahayda, oo ay ku jiraan meelaha laga qabsaday Al-Shabaab; qabashada hawlgallo qorsheysan oo lala beegsanayo Al-shabaab iyo taageerista Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ku aaddan hirgelinta xayiraadda guud ee dhoofinta dhuxusha.

Goaha ammaanka wuxuu ku baaqay baahida degdegga ah ee loo qabo in la sameeyo iskaashi buuxa oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, Goluhu wuxuu ugu yeeray labada dhinac inay horumar dheeri ah ka sameeyaan xilliga kala guurka.

Wuxuu Golaha Ammaanku ku booriyay inay qaadaan tillaabo la taaban karo oo ay kamid yihiin,  gaaritaanka go’aan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay oo ku saabsan wadaagidda awoodda iyo Kheyraadka; dib u soo celinta kulamadii caadiga ahaa ee Golaha Amniga Qaranka iyo dardargelinta qorsheynta farsamada iyo amniga ee doorashooyinka.

Xigasho Hiiraan.