Faysal Cali Waraabe oo Sixitaan Ku Sameeyey Hadal uu Ku Duray Baashe Maxamed Faarax iyo Axmed Karaash

Hargeysa(aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sixitaan ku sameeyey hadal uu Khamiistii maanta Warbaahinta siiyey oo uu ku duray Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, isagoo ka hadlayey khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Puntland iyo Ku-xigeenkiisa Siciid Cabdillaahi Dani iyo Axmed Cismaan (Karaash).

Hadalka uu Guddoomiye Faysal ku duray Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo aad looga biyo-diiday, isla markaana la dhibsaday, ayuu isla gelinka dambe ee Khamiista uu sixitaan ku sameeyey, waxaanu fasiraad dheeraad ah ka bixiyey sida uu ula jeeday hadalka iyo sida loo dhadhansaday.

Haddaba, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe hadalka sixitaanka ah ee uu galabta Warbaahinta ku siiyey guriga uu ka deggan yahay Hargeysa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.