Waa Maxay Ujeeddada Baaq Shacab? WQ: Cabdiqani Axmed Cigaal

ABDIQANI AHMED EGAL
ABDIQANI AHMED EGAL

Qoraalkaygan kooban ayaan waxyar bulshada ugu iftiimin doonaa Koox kamida dadka reer Somaliland oo soo saartay waxay ugu magacdareen Baaq shacab. Kooxdan oo aan anigu ubixiyay SHACBIYIINTA ayaa sheegay in shir ay kasoo qayb galeen ergooyin ka kala socday lixda Gobol ee somaliland, laga soo saaray baaq ku sheegooda, in kastoo goorta shirkaasi dhacay ama mudada uu socday iyo goobta uu ka dhacay toona aanay kooxdu ku xusin qoraalkooda.

ABDIQANI AHMED EGAL
ABDIQANI AHMED EGAL

Haddaba, Baaq ku sheega ay kooxdani soo qorqortay ayaa siday udhigeen ah mid ulamid ah oo ay kudabaqayaan bayaankii labaxay MAANAFEESTO, ee markay taariikhdu ahayd 15 May 1990 oo ay dawladii Soomalia 29 jirsatay ay koox aqoonyahan iyo Ganacsato isugu jirtay ka soo saareen magaalada muqdisho. Bayaanka xiligaa ay aqoonyahanku soo saareen ayaa dalkii Somalia oo xaaladiisu markaas kasii daraysay ay isku dayayeen inay ku badbaadiyaan, inkastoo xiligaas ay dhibaatadu meel wax laga qabto ay dhaaftay , dadku quus ay ka joogeen dawladii militaryga ahayd ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.Sidaas awgeed ayay Lix bilood oo kaliya kadib markii ay aqoonyahanku bayaanka soo saareen, oo ku beegnayd, taariikhdu markay ahayd 05 January 1991,oo markaliya ay gabi ahaan dalkii Somalia iyo dawladii kaligii taliye Maxamed Siyaad Bare uu hogaamin jiray eeJamhuuriyadii Dimoqaraadiga Somaliya labaduba ay burbureen, Somalina ay ka dhaxashay Dawlad la,aanta ilaa maanta haysata ee loo taag iyo maaro layahay.

Hadaba, kooxdan ayaa qoraalkooda ay ku sheegeen BAAQ SHACAB soo saarey taariikhdu markay ahayd 18 May 2020, maalintaas oo ku beegan 29 guuradii ka soo wareegtay maalintii la soo noqoshada Gobonimada Jamahuuriyada Somaliland oo ah maalin siweyn ay shacbiga JSL u xusaan sanad guurada maalintii ay halgan dheer oo hubaysan kadib ay qori caaradii xuriyadoodii ka gala soo noqdeen walaalahoodii dalasaday ee koonfurta Somalia, Baaq ku sheegan ayaa nuxurkiisu yahay in wadadii dastuurga ahayd ay dawladu JSL ka leexatay iyo dhibaatooyinkale oo uu sheegay inay dalka hada ka jiraan oo uu xalkooda ugu baaqay xukuumada JSL.Sidaas oo ay tahay majirto wax cilmi baadhis ah oo kooxdan iyo cidkale mid na ay sameeysay oo dhibaatooyinka uu sheegayaa ay kasoo baxday oo qoraalkooda lagu xusay. Sidaas si lamida, waxa iyaguna maalintan barakaysan ee 18 May 2020, qoraal ay ku magacaabeen sagaal qof oo gudidooda fulinta noqon doona qoraal kusoo saaray kooxda kale ee labaxaday markale midnimo. qoraal kooxdani soo saareen ayay ku sheegeen in gudidooda fulinta qaarkood dalka gudahiisa ay joogaan amaankooda awgeedna aan magacyadooda loosheegi karin. kooxdan debed wareega ah ee la baxaday “MARKALE MIDNIMO”, laakiin dalka gudihiisa looga yaqaaan “MARKALE MIYIRSO”.hore ayaynu ugasoo hadalnay markalena uma ubaahnin in aynu ku noqono oo wakhti kulumino/.

Inkastoo xaqiijinta xidhiidhka ka dhexeeya labadan kooxood uu ubaahanyahay baadhis inooga baahan wakhti dheeraada ah, Hadana, waxaan shaki kajirin inay labadan kooxood wadaagaan astaamo badan: ugu horayn kooxahan qoraalada soo saaray ayaa kamidaysan in labada kooxoodba badhkamid ahi uu joogo xamar isla markaana ay shaqooyin muhiima ka haya Dawlada Federalka Somalia. Sidookale waxay labadan kooxood wadaagaan inay labadooduba aad u isticmaalayaan cayayaanka baraha bulshada si ay rayucaamka umajaro habaabiyaan isagana dhigaan inay shacbiga JSL taageero baladhan ka haystaan. Waxa kale oo ay kamidaysan yahiin ujeedadooda guud oo ah inay maalintan barakkaysan ay dadka reer Somaliland ku furaa tashuush , muran iyo kala qaybin ay kaga hortagayaan dabaal dega maalinta 18 May 2020 oo ay shacbigu JSL yar iyo weyn ku mashquul sanayeen si ay Maqaamka maalintan hoos ugu dhigaan uguna muujiyaan cadawga in xuska maalintan lagu kala qaybsan yahay

Sidaas darteed,,kol hadii shacbi weynaha JSL la caalaystay oo aan aniguna isu arko inaan ka mid ahay inta ka aragtida duwan kooxdan ee shacbi weynaha JSL kamida. Sidaas darteedna aan dhibane u ahay kooxdan oo guud ahaan shacbiga somaliland inay metalaan oo ay afkooda ku hadllayaana sheegtay, waa inaan si kooban aan dadka wax ugaga iftiimiyo kooxdan iyo ujeedooyinkooda ay ka leeyahiin Baaq kusheegooda.

Ugu horey kooxdan SHACBIYIINTa ee uu hogaaminayo Mr. Darfac waxay umuuqdaan qaar Go,aanadii Shirkii Gacan Libaax Ayuunbay isku soo toosiyeen oo ay Baaq Shacab inoogu sheegeen. Midakale saaxiibkay Guled iyo inta bahda sharciga iyo cadaalada ku abtirsata ee halkan ku qorani waa intii ugu xumayd bahda garsoorka ee dhaabada iyo dhabarjebinta cadaalada JSL ku haysay, hadii cadaalad daro dalka lagu tilmaamona intii ay dilaaleenbaa latabayaaye yaakale oy maanta wax kasaarayaan ileen Hargeysa ways ogtee.

Waxase hubaanti ah in kooxdan yar uu xero ka waydaar wado oo muqadisho , Iyo xafiiska raysal wasaaraha looga Gacan haadinayo sijoogtana looga maal galiyo.Hadaba, hadii ay mashruuc ka qaateen khayrlaawe sida qoloda markale midnimo labaxday inay shaqatagaan Bay hayde baroortani orgiga ka weyn. Umamalaynayo in kooxdan hawshoodu sidaas ku dhamaanayso.sababtoo ah Beryahaaba waxaan arkayay iyagoo hadalo badan oo aan aqoon ku dhisnayn dadka ka iibinaya, oo abaabul iyo kicin gudaha JSL ka wada :Dawalada hada somaliland ka jirta oo markay u darbanaanta fulinta sharciga iyo ilaalinta masiirka umadu u igmmatay ay noqoto, dulqaad ku tilmaami maayee uu xagal daac xoogi ka muuqdo ayaa kooxdan ku sintay inay maanta shacbiga ay ka been abuurtaan, Maraa waaxid, Dawlada somaliland inay jilicsantay waxa kamarag ah inaad sicad u been abuurateen wakiilnimada Shacabka JSL oo aniga iyo inta shacbiga intooda badani idinka fikir duwanyahay ayaad afkoodii ku hadasheen,,waliba aad go,aamona ku soo saarteen,Balse ilaa imika aan sharciga laydin horgayn oo wali laydhu idin maraysaa

Aniga iyo Shacbiga JSL ee daacada ahba waxa metala kaliya golayaasha Qaranka iyo sadexda xisbi Qaranka oo kawakiil noqon kara afkoodana ku hadli kara. Sidaas oo aytahay kooxdani may sheegan inay saddexda xisbi qaran ee JSL midna ay kamid yahiin, hadii aanay ka mid ahayn oo aanay ku hadlayn afkii xisbiga Hilaw oo xamarna ka dhisan taageerayaashiisuna sheega inay Somaliland u Joogaan.!.

Waxaan xasuustay tuduc kamid ahaa gabayagii ibraahin gadhle ee ahaa “TUUGU WUU MILDHAABAA HALKA UU KA XADO TULUD TAHANBUU KA GUURAA , TODOBAADKAN XAAJOW MID TIRIIG SITAA YIMID”,waxa tuugaas kadhigan kooxdan yar ee sheegatay inay afkii shacbi weynaha JSL ay ku hadlayso, ee hadana halkii ay ka dhuuman lahayd Baaq kusheegoodii soo dhex dhigay dad weynahii JSL ee dhibaanaha ah ee ay ka been abuurteen oo magacoodii lagu sheegay wax aanay aaminsanayn..

ugu danabayntii, waxaan weydiin lahaa bal inay kooxdan sheegatay inay shacbiga JSL Metalaan bal inay meelna sharciga kasoo galayso in kooxdoodan yar ee SHACBIYIINTU ay ku hadlaan afkii dad weynaha JSL? Hadii ay wax sharciyada ay uhayaan falkan ay ku kaceena,inay dadka usheegaan sharcinimada ay aniga iyo inta daacada ah ee kamidka ah dad weynaha JSL ay nagu metalaan?. Hadii sheegashadooda aydaan wax sharciyada uhaysan, umana helaysaane waa inaad ogaataan inaad idinku xaaraan karinaysaan oo aad xuquuqdii dadweynaha JSL aad meel kadhac ku sameyseen,

Sidaas darteedna waa wax ugub ah ah in koox yar oo ciyaala xaafad ahi ubaadheedhaan inay xaaraan dhardhaarataan magacii shacbigana huwadaan oo iyagu cadaalad daro samaynayaa hadana ay dulmi iyo qaraaba kiil cid kale ku eedayaan. Sidaas darteed, Kooxdani cadaalada ka fogi maaha qaar wax khaldan inay saxaan doonaya ee waa qaar dad xor ah inay qalin iyo waraaq ay guryahooda la dhex fadhiisteen ku afduubaan usoo shaqo tegay oo gaf sharci iyo xuquuqeed sibadheedha shacbi weynahaha uga galay Cadaalad darada kooxdani samaysayna mid lamid ah cid hore uga gashay dadku masoo marin, waana in cadaalada la horkeeno hadii sharci sareeyaa jiro!
GUULAHEEN HALA JIRO SOMAALILAND.