Midawga Yurub oo Werwer Xooggan ka Muujiyey Dib-u-dhigis ku timaadda doorashada Soomaaliya 2020

WAKIILKA MIDAWGA YURUB EE SOOMAALIYA Nicolas Berlanga
WAKIILKA MIDAWGA YURUB EE SOOMAALIYA Nicolas Berlanga

Muqdisho(aftahannews):- Midowga Yurub, ayaa walaac xooggan ka muujiyay dib-u-dhaca taariikhda uu guddiga doorashooyinka Soomaaliya barlamaanka hor imaanayo si uu usoo bandhigo warbixin laga sugayo oo ku saabsan doorashada iyo waqtigeeda.

WAKIILKA MIDAWGA YURUB EE SOOMAALIYA Nicolas Berlanga
WAKIILKA MIDAWGA YURUB EE SOOMAALIYA Nicolas Berlanga

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray walaaca uu ka qabo dib u dhaca ku yimid warbixinta guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiga ayaa qorshuhu ahaa in ay barlamaanka hortagaan 27 May, balse dib u dhigis lagu sameeyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee barlamaanka ayaa sababtay in laga dhigay 27 june waqtiga uu guddigu hor imaanayo barlamaanka, halka kalfadhigu furmayo 7 june.

Beesha caalamka ayaa il gooni ah ku haysa doorashooyinka Soomaaliya, iyagoo dowladda federalka ku booriyay in la qabto doorasho aan waqtigeedii ka dib dhicin oo lagu wada qanacsan yahay.

Hase-yeeshee, waxaa muuqata inaanay weli dowladda federalka Soomaaliya qaadin tallaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee loogu diyaar-garoobayey doorashadaas, taas beddelkeedana waxay maalmihii u dambeeyey siyaasiyiinta Xisbiyada madaxa-bannaani ku dhalliilayeen dowladda inay qorshaynayso muddo-korodhsi iyo dib-u-dhigis doorasho.

aftahanin@gmail.com

Aftahannewws.com

Muqdisho/Somalia.