Tirada Dadka laga helay Xanuunka COVID-19 iyo inta u Dhimatay oo Korodhay Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay  in 14 Qof oo cusub oo qaba xanuunka Coronavirus laga helay 24-kii saac ee u dembeysay gudaha dalka, ka dib baadhis ay sameeyeen howl-wadeennada caafimaadku.

Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Maxamed Abdi Xergeeye oo warbixinta maalinlaha ah ee xaaladaha xanuunka la wadaaga Warbaahinta, ayaa Salaasadii maanta sheegay in Dadkan oo laga shakisnaa xanuunka ayey Dhakhaatiirtu ka eegeen COVID-19,  waxaanay noqdeen kuwa xanuunku hayo. Laba qof oo ku noolaa magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, ayuu Agaasimuhu sheegay inay u dhinteen Coronavirus.

Somaliland, tirada guud ee Dadka COVID-19 laga helay, ayaa maraysa 217 Qof, waxaanu Agaasime Xergeeye sheegay inay xanuunka ka bogsadeen 8 Qof, halka tirada dhimashaduna marayso 17 Ruux.

Warkaas oo Faahfaahsan waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-