Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo

Qarax Ka Dhacay Baydhabo
Qarax Ka Dhacay Baydhabo

Baydhabo (aftahannews):- Ugu yaraan 5 Qof, ayaa ku dhintay in ka badanina way ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya xilli lagu guda jiray maalmaha dabbaal-degga ciidda, sida uu sheegay sargaal ka tirsan Booliska Baydhabo.

Qaraxa, ayaa la sheegay inuu ka dhacay xero ay ku sugan yihiin barakacayaal. Labaatan iyo labo qof oo dhaawac ayaa la geeyay isbitaalka guud ee Baydhabo, sida uu BBC-da u xaqiijiyay agaasimaha isbitaalka Cabdifitaax Ibraahim Xaashi.

Waxuu sheegay in haatan isbitalka lagu dabiibayo dhammaan dhaacwayada oo xitaa dadkii dhaawacyada fududud soo gaaray isbitaalka laga saaray markii la daweeyay kaddib.

” Haatan waxaa isbitaalka ku haray 17 qof oo weli daweyn ku socota waxaana haatan la tacaalaya dhakhaatiirta,” ayuu yiri agaamsime Cabdifataax. Agaasimaha, ayaa sidoo kale sheegay inuu jiray qof dhaawac ahaan loo soo qaaday oo isagoo meyd ah laga dejiyay ambalaaska.

Qaraxan ayaa lala eegtay dad ciyaarayay iyo kuwo ku daawanayay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka goob loo yaqaan Ban Qayaamo oo ku taal duleedka Waqooyi ee magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya inuu qaraxan uu ahaa mid ka dhashay bam gacmeed lagu tuuray goob ay dadweyne faro badan ku sugnaayeen,halka warar kalana ay tilmaamayaan inuu ahaa miino dhulka lagu aasay.

Xigasho BBCSOMALI.