“Qalabkii la innoogu Deeqay ee COVID -19 Suuqaa lagu iibinayaa..” Sheekh Shariif Sh. Axmed

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA SHEEKH SHARIIF SHEEKH XASAN 2020.jpg
MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA SHEEKH SHARIIF SHEEKH XASAN 2020.jpg

Muqdisho(aftahannews):- Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo xanuunka COVID-19, isagoo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sameeyaan taxa-dar iyo feejignaan xooggan oo ay isaga ilaalinayaan Coronavirus.

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA SHEEKH SHARIIF SHEEKH XASAN 2020.jpg
MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA SHEEKH SHARIIF SHEEKH XASAN 2020.jpg

Sheekh Shariif, waxa uu sidoo kale ka hadlay deeqaha caafimaad oo ay dowladdu ka heshay waddamada dibedda si looga hortago faafidda Coronavirus iyo kuwa lagula tacaalo dadka uu soo rito intaba, isla markana waxa uu tilmaamay in la musuqay oo la arkay iyagoo agabkaas oo Suuqa lagu iibinayo.

“Ilaahey naxariistiisa waa nala jirtaa , marka la’eego sida hay’adaha caafimaadka  sid ay u baaba’sanyihiin iyo sida looga kabanaayo isma laha, dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee aqoonta u leh, amma aqoonta caafimaad ee duruqsan leh, waa in ay dadaal dheeraad ah sameeyaan amma wacyi-gelin ha noqoto amma wax ka qabasho ha noqoto ay ku dadaalaan badbaadinta shacabka .” ayuu yiri madaxweynahii hore ee shariif shiikh Axmed .

Isagoo sii hadlayay, ayaa waxa uu sheegay in hadda uu xog ku helayo qalabkii loogu tala-galay wax ka qabashada xanuunkaas in lagu iibinayo suuqyada.

“Waxaan la soconnaa qalab fara badan oo dowlado kala duwan ay keeneen amma ay jiraan kuwa ay soo wadaan, qalabkaas waxaa muuqata in sidii loogu tala-galay aan loo isticmaalin,  waxaa muuqata in qaarkood suuqa laga helay sida warka nagusoo gaarayo, arrimahaasi ma fiicna, ammaanada sidii loo keenay in loo gutaa la rabaa” ayuu mar kale sheegay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Hadalkaan ayaa waxa uu yahay eedeyn culus oo dhinaca caafimaadka iyo  dagaalka lagula jira Coronavirus la xiriirta ee dowladda Soomaaliya loo jeediyo, lamana oga in Xukuumadda dhexe ay ka jawaabi doonto iyo in kale.

Xigasho Hiiraan.