Somaliland oo Shaacisay Tiradii ugu badnayd ee Hal Mar Xanuunka Covid-19 laga Helo & Inta u Dhimatay

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa sheegay in xanuunka Covid-19 laga helay  37 Qof oo 3 ka tirsani u dhinteen xanuunkaas.

Wasiirku waxa uu sheegay in boqol iyo dheeraad qof oo ku nool magaalada Hargeysa oo xanuunka laga baadhay 72-kii saac amma saddexdii cisho ee u dambeeyey ay ka soo dhex-baxeen 37 Ruux ee laga halay Covid-19. Saddexda Qof ee xanuunka u geeriyooday ayuu Wasiirku sheegay inuu ku jiro Qof 24 sano jir ah.

Somaliland tirada guud ee Dadka Cudurka Covid-19 laga helay, ayaa maraysa 168 Qof, halka ay xanuunka u dhinteen 14 Qof, sida uu Wasiirka horumarinta Caafimaadka Somaliland sheegay.

Haddaba, Wasiirka horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi oo faahfaahinaya baadhitaannada la sameeyey, natiijada ka soo baxday, sida xanuunku bulshada ugu dhex-faafay iyo qorshaha Wasaaradda ee xakamaynta xanuunka, idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahanin@gmail.com                                                          

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.