Eng. Farxaan Axmed oo Si Adag uga Hadlay Hoggaaminta Madaxweyne Biixi, Guddiga Covid19 iyo Xaaladda Somaliland

Minneapolis(aftahannews):- Eng Farxaan Axmed Maxamuud oo hore uga tirsanaan jiray Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka, balse beryahan ah Siyaasi madax-bannaan, isla markaana deggan Degmada hennepin oo ka tirsan magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka, ayaa naqdiyey Khudbaddii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Abdi uu jeediyey 18-kii bishan May 2020 oo Isniintii toddobaadkii hore ahayd.

Sannadkan oo 18-ka May ku buuxday 29-guurada madaxa-bannaanida Somaliland, taasoo Madaxweynuhu Warbaahinta toos ugu mariyey Dadweynaha Reer Somaliland, isla markaana kaga hadlay qodobbo kala duwan oo door ah.

Hase-yeeshee, Eng. Farxaan oo aan waraysi khadka Whatsapka kula yeeshay, waxa kale oo uu ka hadlay Gaadiidka ay Dowladdu la wareegtay toddobaadyadii hakadka la geliyey Jaadka ee qaadka lagu qabtay, wada-jirka Bulshada, xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan, arrimaha adaaladda, qiimaha ay reer Somaliland u leedahay maalinta qarannimadu iyo waxyaabo uu sheegay in Xukuumadda talada haysan ka qaldanyihiin oo u baahan in la saxo iyo qodobbo kale.

Waraysigan oo uu Eng. Farxaan kaga hadlay qodobbadaas iyo kuwo kale oo kala duwan iyo talo-soojeedintiisa-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee Daawasho habboon:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.