Faysal Cali Waraabe oo Ka Hadlay Baaq Shacab & Hambalyada Kulmiye iyo Waddani

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Bulshada Somaliland iyo Ummadda Islaamka ku hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga oo Maanta Somaliland laga tukaday, ayaa ka hadlay soo jeedin loogu yeedhay Baaq Shacab oo ay 18-kii bishan May oo ku beegnayd 29-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda.

Baaqaas, ayey Dhalinyaro iyo Dad aqoonyahan ah oo reer Somaliland, ayey ku naqdiyeen halka maanta la marayo, halka loo jeedo iyo waxa qaldamay ee sixidda u baahan, kaas oo ay dowladdu aad uga xumaatay amma u dhibsatay, oo ay ku tilmaantay wax xaqiiqada ka fog, ayuu Faysal sheegay in loo bahan yahay in la saxo wixii Somaliland ka qaldamay 29-ka sano ee ay Soomaaliya gaarka uga taagnayd iyo qurxinta qorshayaasheeda mustaqbalba.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxa uu naqdiyey hadallo ka soo yeedhay geesta Dowladda Soomaaliya, waxaanu ka sheekeeyey horumarka, nabadgelyada iyo waxyaabaha u hirgalay Somaliland intii ay jirtay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbil-xaakimka Kulmiye Axmed Cabdi-dheere, ayaa iyaguna geestooda, hambalyo u diray Bulshada Somaliland Munaasibadda Ciidul-fidriga awgeed, waxaanay Allaah ka baryeen inuu Soontii innaga aqbalo.

Haddaba, Hadallada Saddexdan Masuul ee afka Saddexda Xisbi ku kala hadlayey ee Bulshada Hambalyada iyo Qodobbada kale la wadaagay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa hadalladooda muuqaalladan hoose ee ka bogasho habboon:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.