Madaxweynaha Somaliland Muxuu Ka yidhi Munaasibadda Ciidul-fidriga ee Dalka laga Tukaday Maanta?

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba Ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga ee sannadka Hijriyada ee 1441-naad, kuna beegan tirsiga bilaadiga 2020-ka, waxaanu u rejeeyey Islaamka farxad, nabad iyo ka badqabka xanuunka dunida saameeyey.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI

Sidaa waxa lagu sheegay Qoraal uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Waxaanu Madaxweynuhu munaasibadda ciidul-fidriga awgeed hambalyo u dirayaa dhammaanba ummadda Islaamka meel ay joogaanba, gaar ahaan ummadda reer Somaliland, waxaanu Ilaahay inooga baryayaa inuu innaga aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii aynu bishan Ramadaan soo gudannay muslim ahaan, Ilaahayna inoo dambi-dhaafo, wixii dhibbana dhibta Alle ka dulqaado, xanuunkan aduunka sameeyey ee karoona-fayris-na innaga dulqaado culayskiisa.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu, ummadda reer Somaliland u rajeeyey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, kana midho dhaliyaan hiigsigooda dhinaca horumarka ee ay ku jireen, nimcadana khayrkeeda inna siiyo, nabad iyo caano, colaad la’aan, caydh la’aan iyo cudur la’aana Ilaahay inaga yeelo, Ilaahay idankiina bishan bisheeda aynu ku gaadhno innaga oo halkan aynu joogno meel ka fiican joogna.

Ugu danbaynna, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacaladeeda. Aamiin Aamiin Aamiin.”

aftahanin@gmail.com

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.