Somaliland oo Sheegtay inay Ciid tahay Sabtida Berri oo Caawa Bisha Shuwaal La Arkay

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS
Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay sheegay inay Sabtida Berri tahay Ciid, isla markaana bishi Shuwaal laga arkay deegaanno kala duwan oo Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Dalalka Ghana, Ivory  coast ka tirsan iyo meelo kale.
BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Hargeysa Warbaahinta dowladda kula hadlay labadii habeennimo oo wax yar dhiman, ayaa sheegay xaqiiqo raadin badan ka dib inay xaqiijiyeen in bilashada bisha Shuwaal amma Soon-fur laga arkay Dalalka Itoobiya iyo Waddamo kale oo Islaam ah, sidaa awgeedna ay Ciid tahay Sabtida. Sidoo kale meelo Soomaaliya ka tirsan, ayaa la sheegay in bisha laga arkay caawa.