Masuuliyiinta Dugsiyada Nuuradiin oo ka Warramay Xaaladda Maamule Mahad Ibraahin oo Nin Weeraray

MAAMULAHA DUGSIYADA NUURADIIN SCHOOLS MAHAD IBRAAHIN
MAAMULAHA DUGSIYADA NUURADIIN SCHOOLS MAHAD IBRAAHIN

Hargeysa(Aftahannews):- Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin xaaladda Caafimaad ee aasaasaha Dugsiyada Nuuradiin Maxamed Ibraahin, ka dib markii uu Salaaddii Makhrib ee Caawa fiidkii Nin dhaawacyo ku soo gaadhsiiyay Masaajidka Shaafici ee Xaafadda 150-ka ee magaalada Hargeysa oo ay Ninkaas ku wada tukadeen.

MAAMULAHA DUGSIYADA NUURADIIN SCHOOLS MAHAD IBRAAHIN
MAAMULAHA DUGSIYADA NUURADIIN SCHOOLS MAHAD IBRAAHIN

 

Maamulaha Dugsiyada Nuuraadiin Ismaaciil Maxamuud Cakuush oo warbaahinta qaarkeed u warramay, ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Maamulihii guud ee Dugsiyada Nuuraadiin Xaaji Mahad ay aad ufiican tahay  wakhtigan, isla markaana uu dhaawac fududi soo gaadhey, balse uu roon yahay, ka dib markii la geeyey Dhakhtarka Hal-door ee magaalada Hargeysa.

Maamul Ismaaciil oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Walaal xaaladda Caafimaad ee maamulka guud ee Dugsiyada Nuuraadiin Xaaji Mahad aad ayay u fiican tahay. Isaga oo salaaddii Makhrib ku tukanaya Masaajidka Shaafici waxaa weeraray nin Dusgiyada hoose dhexe ee Nuuraadiin Macallin ka ahi, kaasoo dhaawacyo fudud kasoo gaadhsiiyay madaxa xilli uu salaaddii Makhrib ku tukanayay, xaaladdiisa caafimaadna way fiican tahay, mana jirto wax laf ah oo jaban, Allaah mahaddii wuu talinayaa, aad ayuuna u fiican yahay.”

Sidoo kale Maamulaha Dugsiyada Nuuraadiin Isamaaciil Cakuush, ayaa sheegay in Ninkii Macallin ka ahaa dhaawacyo u geystay Maamulaha guud ee Dugsiyada Nuuradiin uu xidhan yahay, isla markaana ay arrintiisa gacanta ku hayaa ciidammada Booliska oo laga war sugi doono baadhitaankooda sababta weerarkaas la xidhiidha.

Geesta kale, Maamulaha Dugsiyada Nuradin, ayaa farriin diray Shacabka Somaliland gudo iyo dibedba iyo guud ahaan Ardayda Dugsiyadaas oo uu xusay inuu ku wargelinayo in xaaladda Mahad Ibraahin fiican tahay.

aftahanin@gmail.com

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.