Talo soo jeedin ku saabsan Gaadiidka Jaadka lagu Qabtay ee Dawladdu la wareegtay

Faysal Xawaadle
Faysal Xawaadle

Oday Faysal Xawaadle Cabdi oo kamida Waxgaradka reer Somaliland ee ku dhaqan qurbaha, gaar ahaan dalka Ingiriiska, ayaa dawladda ku hambalyeeyey go’aanka joojinta Jaadka, isagoo dhinaca kalena bogaadiyey ganacsatada soo dejin jirtay jaadka ee fuliyey amarka Xukuumadda, si ay ugu tudhaan dadkooda.

Faysal Xawaadle
Faysal Xawaadle

Geesta kale, Faysal Xawaadle Cabdi ayaa ku taliyey in gaadiidka lagu qabtay Jaadka sharci-darada ah ee lala wareegay loo isticmaalo dayac-tirka gaadiidka Dawladda, si loogu quus-gooyo dadkii lahaa ee jebiyey amarka Dawladda, isla markaana looga gaashaanto fowdo iyo rabshad ka soo noqota arrintaasi.

Waxaanu sidaasi ku sheegay dhambaal qoraal ah oo uu soo gaadhsiiyey xafiiska Warqabadka Gobanimonews, kaasoo u dhignaa sidan;-

Marka hore waxaan hambalyeynayaa go’aanka ay Xukuumaddu ku dhiiratay ee ku aaddan joojinta qaadka, isagoo marka horeba qaadku dhibaato lixaad leh oon la soo koobi karin uu ku hayey bulshada Somaliland, waxa maanta  intaa dheer cudurkan dilaaga ah ee Covid19 ee Adduunyada ku habsaday ee faraha ba’an ku haya qaaraddii Afrika, kaasoo qaadkuna saameyn weyn ku yeelan karo faafistiisa.

Marka xiggana waxaan mahadnaq u jeedinayaa Jaadlayaasha u hoggaansamay qaraarka Guddida heer Qaran ee Coronavirus  soo saareen ee u tudhay ummaddooda, Waxaan iyana ka rajeynayaa in inta weli jaadkii ka ganacsanaysaa ay si  buuxda u fuliyaan go’aanka Dawladda oo ay la yimaadddaan mas’uuliyad dhab ah oo dadkooda u tudhaan.

Haddaba, waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa baabuurta lagu qabto Jaadka ee Lala wareeggo in aan gaadiid ahaan loo isticmaalin, balse la furfuro oo dayactir (spare parts) Loo isticmaalo,  si aanay u dhicin in cidi ka daba  timaado ama cid ku qabsato, taasoo keeni karta ama dhalin karto dhibaato hor leh.

Waxay ila tahay in habkani furfuridda ee u isticmaalida DAYACTIRKU uu ka rabshad yaraanayo, kana faa’iido badanayo halkii gaadiid ahaan Loo isticmaali lahaa oo baabuurtaa lagu wareejin lahaa hay’addo kale.

Wa billaahi tawfiiq
Qalinkii: Faysal Xawaadle Cabdi
Birmingham UK
E-mail: faysalabdi4321@gmail.com.