Madaxweyne Siilaanyo oo bilaabay burburinta Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xubno uu la kulmay caawa

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxeynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa qaabbilay, isla markaana Madaxtooyada kulan kula yeeshay Xubno xilal ka hayn jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ka dib markii ay 17-kii bishan aynu ku jirno ee Abriil ku biireen Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo Xaflad ugu sameeyey Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

SIILAANYO OO LA KULMAY XUBNO UCID KA BAXAY

20140419_211340

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews.com, waxay xubnahani Madaxweynaha uga warrameen waxa ay ku doorteen ku biirista Xisbiga KUKLMIYE iyo taageerada Xukuumadda.

Waxay xubnahani ka mid ahaayeen Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, iyaga oo si ba’an u dhalliili jiray Siyaasadda dibedda iyo gudaha iyo weliba hab-dhaqanka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga KULMIYE. Balse sida War-Saxaafadeedka lagu sheegay waxay aad u ammaaneen Siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo ee Xisbiga KULMIYE ka soo jeedda. Kuwaasoo kala ahaa Kayse Guray oo ahaa Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID iyo Mingiste oo ahaa Xoghayaha arrimaha gudaha ee UCID oo labadooduba dhawaan sheegay inay iska casileen xilkaas.

Tallaabada Madaxweynuhu laba cisho ka dib kula kulmay Xubnaha ka soo baxay Xisbiga UCID, waxay u muuqataa mid uu ku dhiirrigelinayo dadka Xisbiyada u kala guureeya ee kolba Xisbi gala, waxaanay muujinaysaa inuu taageerayo burburinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ka jira.

Waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu caawa Qasriga Madaxtooyada Kulan soo dhawayn ah kula yeeshay Masuuliyiintii ka soo diga rogtay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, kuna soo biiray Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay Xubnahaasi ayaa ahaa mid la xidhiidha soo dhawayntii iyo ku biiritaankii Xisbul xaakimka Kulmiye ay ku soo biireen laguna qaabilay Xaflad ballaadhan 17/04/2014 ka dhacday Hotel Maansoor.

Xubnahaasi ayaa Madaxweynaha uga warramay waxyaabaha ay ku doorteen xisbiga kulmiye iyo Taageerada Xukuumadda oo ay sheegeen in hogaanka xukuumadu uu ka dhabeeyey barmaamijkii wax-qabad ee ay ummadda u soo bandhigeen markii ay Ololaha ku jireen, waxay sheegeen in xukuumada talada haysa ee uu hogaaminaayo Axmed Maxamed Silaanyo mid fursad u ahayd shacbiga Somalilandna ay helaan horumar muddo gaaban ku yimid oo u hiiliyey guud ahaanba shacbiga Somaliland horumarkii ay ka sugayeen xukuumadan.

Waxaa kale oo ay xubnahaasi Xukuumadda ku amaaneen siyaasada Arrimaha Dibeda iyo siday u qorshaysay oo dhab ahaantii soo bandhigay rabitaanka iyo doonitaanka madaxbanaanida Somaliland, taasi oo noqotay ta-ay ku go’aan-qaateen in aqoontooda, taageeradooda, iyo wax-tarkoodaba ay la barbar istaagnadaan Xukuumadda Axmed Maxamed Silaanyo uu hogaamiyaha ka yahay  iyo Xisbiga kulmiyeba.

Intaasi ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, wuxuu uga mahadnaqay sida wadaniyada leh ee ay u qiimeeyeen hawlihii ay xukuumadu u xilsaaranayd waxay ka qabatay.

Waxa uu sheegay Madaxweynuhu in tallaabo kasta oo horumara oo dalkeena iyo dadkeena loo qabtaa, inay tahay mid wax ka-taraysa noloshooda, dhaqaalohooda, iyo Dawladnimadoodaba. Isaga oo intaasi ku daray Madaxweynuhu inuu u taagan yahay isaga iyo xukuumadiisuba sidii ay wax ugu soo kordhin lahaayeen dalkan iyo dadkaba.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu xubnahaasi ku dhiirigeliyey go’aankaasi ay qaateen ee ay ku soo bireen Xisbiga Kulmiye waxaanu ku soo dhaweeyey inay ka qayb-qaataan horumarkaasi soconaya, midnimo iyo guul ayuu ku soo gabagabeeyey Madaxweynuhu hadalkaasi.

Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kulanka Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.a.”

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.