Somaliland: Saddex Sababood oo Warbaahintu ugu Nugushahay Halista Covid19 iyo Jawaabta SOLJA

URURKA SOLJA OO WERIYEYAASHA U QAYBIYEY DIFAACA CORONA-VIRUS 2020
URURKA SOLJA OO WERIYEYAASHA U QAYBIYEY DIFAACA CORONA-VIRUS 2020

“Ciidanka ugu weyn ee colkaa (Corona-virus) wax ka qaban kara ee uu maanta dalku haystaa waa Warbaahinta..” Madaxweyne Biixi

Waxa Qoray Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa(Dawan)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa agab nooca difaaca iyo xakamaynta caabuqa Corona-virus ah u qaybiyey in ku dhow soddon hay’dood oo warbaahinteed Wariyeyaal ka howlgala, Suxufiyiin madaxbanaan iyo qaybo kamida xarumaha Warbaahinta Dawladda.

SUXUFIYIINTA SOMALILAND KA HAWLGALA QAARKOOD OO MADAXTOOYADA KU SUGAN 2020
SUXUFIYIINTA SOMALILAND KA HAWLGALA QAARKOOD OO MADAXTOOYADA KU SUGAN 2020

Qalabkan oo ka kooban cinjirka gacmaha lagu xidho, Maryaha Afka iyo sanka lagu daboolo iyo dareerayaasha jeermiska dila ee lagu faraxasho, ayaa waxa masuuliyiinta ururku ku wareejiyeen masuuliyiin iyo Wakiillo ka socday Hay’adda Warbaahinta.

Sida ay masuuliyiinta SOLJA ka sheegeen Salaasadii munaasibad lagu qabtay xaruntA Ururka, kaalmadan oo qayb ka ah ilaalinta caafimaadka suxufiyiinta ee xaallada caabuqa Corona Virus, ayaa waxa ay qayb ka tahay dedaallada caalamiga ah ee lagu sugayo bad-qabta Wariyeyaasha, waxaanay iska-kaashadeen Hay’adda Free Press Unlimited.

URURKA SOLJA OO WERIYEYAASHA U QAYBIYEY DIFAACA CORONA-VIRUS 2020
URURKA SOLJA OO WERIYEYAASHA U QAYBIYEY DIFAACA CORONA-VIRUS 2020

Xarumo warbaahineed oo ka kooban 17 Telefishan, 7 Wargeys oo maxali ah, 7 Mareegood oo kamida Warbaahinta dhinaca Iternet-ka ah iyo tiro suxufiyiin si madaxbanaan uga shaqeeya gudaha dalka, ayaa la guddoonsiiyey bushqado qalabkan caafimaad ee suxufiyiinta loogu talo-galay ah.

Dhanka kale, Masuuliyiinta Ururku waxa ay tibaaxeen in ay suxufiyiinta ka howlgala Gobolada ka baxsan caasimada Hargeysa, loo diray qoondo kamida qalabkan oo ay gaadhsiin doonaan wakiillada Ururka ee goboladu.

Somaliland, waxa ka howlgala boqolaal wariye oo u shaqeeya qaybaha warbaahinta ee kala duwan, kuwaasoo intooda badan wararka iyo dhacdooyinka maalinlaha ah u soo tebiya sidooddii caadiga ahayd, isla markaana aan ku kicin xad-gudubyo iyo dhibaatooyin xaalada cudurka ah, sida ka dhacday wadamada dunida qaarkood ay jawahareerka bulshada iyo dawladdaha wax laga saarayo warbaahinta.

“si wax looga qabto wararka beenta ah iyo faafinta macluumaadka khaldan, ka dib dillaaca Covid-19. SOLJA waxa kale oo ay siisay suxufiyiinta nuqul kamida tilmaamaha caalamiga ah loo baahan yahay lagu dabaqo tebinta xogaha Covid-19″ayuu ku sheegay Warsaxaafaddeed Agaasimaha Ururka SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi oo ka hadlay agabkan ay siiyeen warbaahinta.

Agabka loo qaybiyey suxufiyiinta oo ah kii ugu horeeyey ee ay soo gaadhsiiyeen Hay’addaha kala duwan ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta Saxaafadda, ayaa ah mid aad u kooban ay ku deeqday Hay’adda Free Press oo uu ka codsaday Ururka SOLJA, sida uu sheegay Agaasimaha Ururkaasi Yaxye Maxamed Cabdi oo ka hadlayey xaflada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo bishii March wariyeyaasha kula hadlay qasriga madaxtooyada ayaa sheegay in ay warbaahintu kaallin mugle ku leedahay qorsheyaasha qaranka lagaga badbaadaddanayo cudurka Corona Virus.

Madaxweynaha, ayaa hadalkan ula jeeday in ay qalabka warbaahintu bulshada ku wacyi-geliyaan fulinta tallooyinka khubarrada caafimaadka iyo go’aamada dawliga ah ee lagu xakamaynayo cudurkaasi.

“Ciidanka ugu weyn ee colkaa (Corona Virus) wax ka qaban kara ee uu maanta dalku haystaa waa Warbaahinta, Isgaadhsiinta iyo baraha bulshada ee dhamaanteen waxaan ka midaysanahay farriimaha wacyi-gelinta ee bulshada loo gudbinayo siddooda u gaadhsiiya.”ayuu yidhi Madaxweynaha farta ku fiiqay doorka lama huraanka ah ee ay Warbaahinta iyo Culimo awdiinku ku leeyihiin hogaaminta dhegaha bulshada.

Sababaha Wariyeyaashu ugu nugul yihiin halista Corona Virus?

Inkasta oo qalabkan kooban la siiyey wariyeyaasha, Madaxweynuhuna farta ugu fiiqay howsha baaxada leh ee u taalla, haddana laftoodu waxa ay kamid yihiin dadka ugu halista badan cudurkan, dhowr sababbood dartood.

In aanay wax badan ka bedelin hab-dhaqankii shaqada, si lamida warbaahinaha caalamka qaarkeed oo ay wariyeyaashu guryaahooda ka soo tebiyaan wararka.
in aan laga taageerin waxyaabaha lagama maarmaanka u ah difaaca caabuqan, sida qalabka yar yar ee aasaasiga ah.

iyo tan ugu weyn oo ah in ay mar walba tegayaan meelaha bulshada dhexdeeda ah oo ay xataa gelayaan goobo aanay iska-xakamayn karin.

“marka laga yimaado xirfadleyaasha caafimaadka, wariyeyaashu waa dadka ugu nugul ee uu haleeli karo alle inaguma keenee cudurkani, markaa waa in aan la dhayalsan”ayuu yidhi mar kale xusay Agaasimaha SOLJA.

Si kastaba ha ahaatee, waxa suurto gal ah in aanu jirin dareen ilaa heer gaadhsiisan oo laga qabo caqabadaha ay ugu muhiimsan yihiin sugnaan la’aanta bad-qabka caafimaad ee ku gedaaman Suxufiyiinta Somaliland, taasoo laga dheehan karo sida aan loogu baraarugsanayn wax-ka-bedelka deegaanka ay ku shaqeeyaan mihnadleyaashani.

Wali qaabkii wax loo duubayey wax badan lagama bedelin, xataa shirarka jaraa’id ee masuuliyiinta dawladda ayaanay ka muuqan taxadir iyo foojignaan, waxaana intaasi dheer qalabka oo aan waafaqsanayn xaallada is-xakamaynta, iyadoo shirarka jaraa’id iyo goobaha kale ee dhacdooyinka ay ka soo muuqdaan cod-qabtayaasha caalamadaha warbaahinta lagu muujiyo ee ay isticmaalaan wariyeyaashu.