Somaliland: Tebinta Tooska ah ee Waxbarashada oo Caqabad Ku Noqon Karta Ardayda!

Qore: Cabdifatax Shaafi Maxamed Waxay ahayd  horaantii dabayaaqadii sannadkii hore markii xanuunka dunida ku cusub Coronavirus aadka uga qeylisiiyey dhamaan dadyowga ku nool dunida laga helay dalka shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhaan , Hase-yeeshee taa bedelkeeda aan  loo arkin arrin sidaa u sii weyn loona maleynayey xanuun ku kooban dalkaas uun, kaas oo si aad u ba’an u wax-yeeleeyay shiinaha. Laakiin waxay talo faraha ka baxday markii uu xanuunkii noqon waayey sidii la moodayey.

Xanuunkan waxa uu si aada oo dhaqso badan ugu fiday dhamaan daafaha caalamka isagoo waliba ay u dhinteen dadkii ugu badnaa ee xanuun u dhinta, iyadoo ay sabab u tahay xanuunkan oo dunida ku cusub, nooca xanuunka oo ah Virus iyo isbedbelkiisa oo aad u badan,taasoo keentay khalkhal xaga fahmka ah, xaaladunna waxay keentay in su’aalo badan la iska weyddiiyo? Xanuunkan, laakiin lagu daalay ka jawaabidooda, ilaa iyo hadda xanuunkan layskuma raacsana waxayaabaha keena, walow waxoogaa laga fahmay sida lagu kala qaado. Ilaa iyo hadda waxaa xanuunkan u dhimatay dad kor u dhaafay 1 million ( Hal Milyan) oo qof, waxaana u buka laba milyan oo qof iyadoo uu maalin walba uu soo kordhayo, waxaase jira ku kala badnaan xaga tirada dadka ah ee wadama caalamka, arrimahan waxay keeneen diyaar garow degdeg ah oo dhamaan bulsho weynta dunida ku nool oo dhami ay ka siman-yihiin. Sida dhakhaatirta dunniddu caddeeyeen waxay ku sheegeen xanuunkani inuu yahay mid aad u fida isagoo lagu kala qaadi karo dhamaan waxayaabaha lagu kala qaado xanuunada dunida oo dham sida taabashada, hawada, wax-wada cunidda , kala xidhadasha dharka iyo waxyaaba kale oo badan.

Arrintani waxay keentay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo lagu yareynayo dhimashada xad-dhaaf ah ee dadka, tallaabooyinka la qaadayo waxaa ka mid ah in la yareeyo meelaha ay dadku isugu imaanayaa sida Iskuulada, Jaamacadaha, Garoomadda Kubbadda, Hoteeladda iyo goobaha shaqada.Arrimahan waa tallaabooyin caalami ah oo dunnida oo dhami ay ka siman-tahay.

Hadaba, aynnu u soo daadegno Akhrista Mowduuca Wasaarada Waxabarashada iyo Sayniska ee Somalilad waxay sida aduunka oo kale qaaday tallaabooyin kala duwan oo ku waajahan waxbarashada kuwaas oo ay ka mid yihiin in ay fasax galisay dhamaan Ardeydii dugsiyada kala duwan ee dalka, si loo yareeyo ama looga hortago khatarta xanuunkan. Arrintan oo ah tallaabo aad u wanaagsan aynna soo dhaweeyeen shacabku, hase-yeeshee maadaama aan xanuunkan la garaneynin xilliga saxda ah ee daawo loo heli doono wallow ay baadhayaasha xanuunkani ay leeyihiin waxay qaadan doontaa muddo ku dhow labba sannadood. Hadaba maadaam ay waxbarashadu si caadiga ah ku socoto waqti xiliyeysan waxa ay wasaaradu qaaday tallaabo ah in ay sameyso hab ama qaab ah in la isticmaalo habka khadka tooska ah(Online system) iyo adeegsiga warbaahinta wadanka kuwaas oo qaab maqal iyo muuqaal ah lagu gaadhsiinayo ardeyda ku sugan guryaha si loo xadido farqiga waqtiga ka dhashay xiligan ee sannad dugsiyeedka.

Hadaba, iyadoo Akhriste tallaabadda la soo dhaweeyey  oo si uun lagula tacaalayo xaaladan, waxaa jira iyanna arrimo u baahan in laga hadlo oo dhaliyey buuq dadka qaar ah oo ah in dadka reer Somaliland ahi ay u badan-yihiin dad danyara ah islamarkaana aan awoodin ama aan heysanin kharashka ku baxaya alaadaha warbaahinta ee ay dowladu u isticmaaleyso gaadhsiinta casharada ee ardeyda.

Iyagoo soo jeediyey in arrintani ay dhiiri-galisneyso uun dadka awooda kharash ahaan in ay ka faa’iideystaan halka ay ardeyda kale ee waliba ugu badan tuulooyinka iyo miyiyada wadanka aaney u diyaarsaneyn howshan, sidaa darteed ay arrintani ku rideyso niyad jab, taas oo keeni karto in ardey badani ay ku soo noqon waayaan goobaha waxbarashada marka ay dib u furmaan.

Maxaa La Gudboon Wasaaradda Waxbarashadda?

Wey fiicnaan laheyd in ay bixiso kharashka ku baxaya ardeyda aan awoodin in ay iska bixiyaan isticmaalka adeegyada, si ardayda kale ugala jaan-qaadan heerka waxbarasho iyo tebinta tooska ee isu-barkaddeen Radiyowga iyo Tv-ga Dawladdu.

 Ugu dembeyn arrimahan aan kor ku soo sheegay waxay fududeynayaan ama soo dedejinayaan sarana ay u qaadi karaan koru kac baaxad leh oo ah in ardey badani ka jiyad jabaan waxbarashada ama ay sababto hoos u dhac xaga darajada ah ee labada fasal ee imtixaanka shahaadiga ah galidoona ee mudada yari ka hadhsantahay.