Weriye Shiine Cilmi Kaahin oo Ka Warramay Soomaali Turkiga ugu Dhintay Covid-19 & Wararkii u Dambeeyey ee Dalkaas

WERIYE SHIINE CILMI KAAHIN OO KA WARRAMAY SOOMAALI KU DHINTAY TURKIGA 2020
WERIYE SHIINE CILMI KAAHIN OO KA WARRAMAY SOOMAALI KU DHINTAY TURKIGA 2020

Stanbul(aftahannews):- Weriye Shiine Cilmi  oo deggan magaalada Stanbul ee Dalka Turkiga, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA uga warramay xaaladda cudurka Corona-virus Covid-19 ee dunida aadka ugu fidaya iyo siduu Turkiga u saameeyey, waxaanu sheegay in Dad Boqol iyo Soddon ka badani dalkaas ugu dhinteen Cudurka, kuwaas oo uu ka mid yahay Nin Soomaali ah oo noqonaya qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee Turkiga xanuunkaas ugu dhinta.

WERIYE SHIINE CILMI KAAHIN OO KA WARRAMAY SOOMAALI KU DHINTAY TURKIGA 2020
WERIYE SHIINE CILMI KAAHIN OO KA WARRAMAY SOOMAALI KU DHINTAY TURKIGA 2020

Shiine waxa uu sheegay in Xanuunkan dunida aadka ugu faafay, cabsi ku abuuray Dadka ku nool Dalka Turkiga, isla markaana Qofka laga yaacayo haddiu ku dhaco badhtamaha Jidadka magaalooyinka waddankaas.

Weriye Cabdiqaadir Cilmi Kaahin (Shiine),oo si faahfaahsan uga hadlaya Xaalada Wiilkan Soomaaliga ah ee Dalka Turkga ugu Geeriyooday Xanuunka Cronavirus Waxa uu ugu horeyn yidhi; “Cudurkan Aduunyaddu sida aadka ah ugu faafay ee Cronavirus Dalkan Turkiga Waxaa Qaadey dad ku dhaw Tobaneeyo kun 9217 Qof(Sagaal-kun laba Boqol iyo Toddoba iyo Toban Qof halka Dhimasahaduna ay aad u baddan tahey 131 qof, Wadankan Turki Runtii Soomaali baddan ayaa ku nool lama oga Soomaalida Cid Qabta, haseyeeshee Shaley Waxa dhacdey in ninkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee Xanuunkaasi Qaadey, in uu u Geeriyooday Allaha ha u naxariistee oo kamid ahaa dadka Soomaaliyeed ee Caafimaadka ujoogay Dalka Turkiga.”

Mar La Weydiiyay in Marxuumkan Soomaaliga ah ee Ku Geeriyooday Dalka Turkiga loo Keenay Xanuunkan, mise markii hore loo keenay Xanuun kale laakiin isagoo xanuun kale loo keenay kanina ku dhacay iyo in kale, wuxuu ku jawaabay; “Sida ay ii Xaqiijiyeen Qaar kamid ah eheladiisa oo aan khadka isgaadhsiinta kula Xidhiidhay, in Marxuumka markii hore loo keenay, Dalka Turkiga Xaalad Caafimaad oo Kelyaha ah oo uu Cusbitaalka ku jirey, Kadibna uu Xanuunkani kusoo booday, una Geeriyooday.”

Sidoo kale, mar la weydiiyay go’aannada iyo Shuruucda ay Soo saartey Dawladda Turkigu si looga hortago Xanuunkan Shiine, waxa uu ku jawaabay; “Shuruudaha ay Soo Saartey Dawllada Turkigu Waxaa kamid ah Lix Qoddob oo kala ah in Gabi ahaanba La Jojiyay Safarka gudaha magaalooyinka Turkiga dhexdiisa, oo fasaxa laga qaadanayo Duqa Magaalo kasta iyo qoddobka labaad oo ah in Albaabbada loo laabay dhammaan goobaha dadku isugu yimaaddaan, Huteellada iyo goobaha kale oo dhan. Qodobka Sadexaadna waa in wax laga baddelay nidaamkii hore ee raaci jirrey Basaska iyo Tareennada oo Kuraasida Qof qof keliya loo fadhiisanayo. Qodobka afraad waxa weeye in Shirkadaha iyo goobaha Ganacsigu yareeyaan Shaqada iyo Shaqaalaha, waxaanay Qodobbadan laga dhaqangelinayaa in ka badan Soddon Magaalo oo dalkan Turkigu ka Kooban yahey.”

Geesta kale, Shiine Cilmi waxa uu ka warramey in dhamaanba Dugsiyada iyo Goobaha Waxbarashada la Fasaxey iyadoo, loo Qabtey Wakhti Ku Siman Sadex Tooddobaad oo ay hadda Todobaadkii u Horeeyay dhamysteen, Waxa kale oo la fasaxey dhamaan Shaqadii Dawllada isagoo Xusey in Dalkaasi Turkiga ay ka Shaqeynayaan oo kaliya Goobaha Cuntada laga Iibsado, iyo Cusbitaalada oo kaliya.

“Markii u horreysay, waxa dhacey in Qofweyn oo Lixdan Jir ah qiyaastii uu ku dhex dhacay Suuqa ka dibna ay Dad badani ku soo urureen, ka dibna Meydkiisii markii la baadhey, ayaa la ogaadey in uu u dhintey Cronavirus, dadkii ku soo ururayna waxey doonayeen in ay caawiyaan, sidoo kale Qof kale ayaa isaguna Tareen ku dhex dhacey, sidaa darteedna Boqolaal Qof, ayaa ku soo ururey sidaas ayuu ku fidey Xanuunku.” Sidaa ayuu yidhi Weriye Shiine Cilmi Kaahin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.