Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga Ka Hortagga Xanuunka Corana-virus ee Somaliland, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan 3 Qof oo looga Shakiyay in Cudurkaasi hayo, kuwaas oo Dheecaanno iyo Dhiigag laga qaaday loo diray Baadhitaan lagu soo xaqiijin doono.
Shir Jaraa’id oo ay Xubnaha Guddiga oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici Guddoomiye u yahay Isniintii maanta ku qabteen Hargeysa, ayay qodobbadaas iyo kuwo kaleba kaga hadleen, iyaga oo bulshada iyo warbaahintaba uga digay inay faafiyaan warar aanay hubin oo ku saabsan Covid-19.
Haddaba, Warkooda oo faahfaahsan oo ay qodobbadaas iyo kuwo kaleba kaga hadleen, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.